
Afeef: wararakani waa ka
madax banaan yihiin kuwa
xaqiiqda ah oo ay wariyaashu soo
diraan MudugNet iyo
tifatirayaashooduna mas'uul kama
aha wixii khaladaad ah ee ku
jiraa, marka laga reebo Abtidoon
Baahalow oo ka mid ah Ururka
Ahlu sunna wal Jameeca oo
war bixintaan diyaarshay waana
asaga iyo ilaahiis.
MudugNet.
Warar dheeraad ah oo faahfaahsan
oo ka soo baxaya Dagaaladaii
shalay ka dhacay Deegaanada
Hodan iyo Howl wadaag oo ay
guulo la taaban karo ka soo
hooyeen Ciidamada Xaq u dirirka
Dowladda KMG ee Soomaaliya
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
June 17, 2009.
Dagaaladii
ugu qaraaraa oo ay shacabka ku
nool xaafadda Hodan arkaan tan
iyo sidii ciidamada Ethiopia
waddanka looga saaray ayaa ka
holcay degaano badan oo ka
tirsan degmada Hodan.
Dagaalka
ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay
Ciidamada Dowladda ay ku qaadeen
fariisimada Kooxaha Mayalka adag
ee nabad diidka ah
xalaaleystayna dhiigga
Islaamka, goobahaas oo ay ka mid
ahaayeen Ex- Isbitaal Digfeer,
Tarabuunka, Kaasa Popolaare.
Dagaalaka
oo ahaa mid kadis ah ayaa isla
markiiba dharbaaxo aan laga soo
kabsan karin la gaarsiiyay
nabad diidka magaca islaam ku
qaraabta iyadoo saacado ka dib
dariiqyada magaalada ay
tubnaayeen meeydadka wiilal yar
yar oo madaxa indhaha cimaamado
cas cas uga duubnaayeen.
* Sarkaal
ka mid ah saraakiishii Ciidanka
Booliska ee dagaalka ku jiray
ayaa gacanta ku dhigay 4
wiil oo da'dooda lagu qiyaasay
15 jir ilaa 16 jir oo dhaawac ka
soo gaaray dagaalka kuwaas oo
xanuun dartiis ooyayay,
sarkaalaka oo ah aabe wax dhalay
ayaa aad uga damqaday dhita
heysata Ilmahaas yar yar oo la
soo marin habaabiyay Amrayna
inaan la dilin oo Isbitaalka la
geeyo, iyadoo intii isbitaalka
loo wadayna mid ka mid ah
wiilashii dhaawacaahaa
bastoolada la soo baxay kuna
dhuftay Askartii isbitaalka u
wadday mid ka mid ah halkiina ku
geeriyooday (Naxariistii janno
Allaha siiyee.
* Waxaa
markiiba bastoolada ka qaaday
Canugii sixranaa askari kale oo
halkaa ku khaarijiyay Canugaas
iyo saddexdii kale, warkaasna
waxaan ka helnay Aabe ka mid ah
Aabayaasha dhalay Afarta Caruur
ah oo la sheegay iney u
dagaalameyeen kooxda Caruurta
adeegsata ee Alshabaab iyo
xisbul Islaam.
* ilo
wareedyo muhiim ah ayaa intaa
raaciyay in jabka soo gaaray
kooxaha huwanta Diinta ku
qaraabata caruurtana adeegsada
uu yahay mid aysan ka soo
waaqsan karin lana sii eryayay
ilaa Shiirkole Offishaale
dhamaan goobihii dagaaladu ka
dhaceen ay ku guul dareysteen
iyadoo la xaqiijiyay shan ka mid
hogaanaka sare ee kooxaha Diinta
ku qaraabta lagu dilay goobaha
dagaalka.
Dhanka
Ciidamadii Dowladda Khasaarihii
ugu weynaa wuxuu noqday Geeridii
naxdinta lahey ee Sheekh Cali
Saciid Xasan oo madfac la
sheegay iney soo rideen
Ciidamada Amisom uu ku dhacay
isagaoo mararyay isgooyska
wadada Kaasa Popolaare kuna sii
jeeday African Village oo la
sheegay iney baneeyeen Ciidamo
daacad ah Yuusuf Indhacadde oo
aanan la garan sababta ay u
baneeyeen !
Geeridii
taliyahii Ciidanka Booliska
Gobolka Banaadir ka dib waxaa
dib u soo laabtay ciidamadii ka
dagaalamayay aagga hore ee
shiirkole offishaale iyadoo
warka ah in aaagag badan la
baneeyay uu ku faafay ciidamada
dhexdooda.
Dhanka
Ciidamada Dowladda waxaa uga
shahiiday ugu yaraan 5 askari oo
uu ka mid yahay Taliye Cali
Saciid Xasan Halka kooxaha
baneeystay dhiigga Islaamka
looga dilay tiro boqol kor u
dhaafeysa oo caruur u badan.
Walow jab
weyni gaaray Mayal adagtaiyo
khawaarijta misna Dowladda ayaa
u muuqata mid naf la caari ah oo
aan wax horumar ah ka sameyn
karin iyadoo haatan xaaladeedu
tahay nin daad qqaday xumbo
cuskay oo uu Madaxweyne Shariif
naf ka doonay Warlordyadii Ilaah
iyo rasuul ka furtay iyo rag aan
sumcad islaanimo laheyn oo uu ka
mid yahay Salaad Cali Jeelle .
*Isha
wararkani waa waalidiin dhalay
caruur qasab ugu dagaalameysa
Alshabaab, waxaan heynaa sawiro
badan oo mid ka mid Aabayaasha
wiilashooda ku nafwaayeen
dagaalkaan uu ku soo qaaday
mobile phone kiisa sawiradaas oo
aan indhaha la siin karin, balse
uu noo sheegay inuu u soo qaaday
si waalidiinta Ilmahooda ka
maqan yihiin ay u kala
ogaadaan ilmahooda geeri iyo
nolol midda ay ku sugan yihiin.
Aabaha sawirada iyo wararka noo
soo diray ayaa wiilkiisii ka mid
ahaa kuwii la dilay iyagoo
isbitaalka loo waday .
Innaa
Lillaahi wa Innaa Ileyhi
raajicuun
Abtidoon
Aw-Baahalow
Chibougamau, Quebec, Canada