
Khasaara
culus oo shacabka kasoo gaaray
dagaalada weli ka socda
magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
June 17, 2009.
Khasaara balaaran ayaa shacabka
iyo dhinacyadii dagaalamayay
kasoo gaaray dagaallo qaraar oo
maanta oo dhan ka socday
magaalada Muqdisho.
Ku dhawaad 18-qof oo Rayid ah
ayaa ku geeriyooday 30-kalana
dhaawacyo ayaa kasoo gaaray
dagaalada weli kasii socda
magaalada Muqdisho.
Cisbitaalada Muqdisho ayaa la
ciir ciiraya bukaano dhaawacyo
kala gedisan kasoo gaareen
dagaalada.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah
Weriye Ismaaciil Salaad Guuleed
Istiila oo kamid ah Shaqaalaha
Idaacadda Simba xilli uu ku guda
jiray shaqo saxaafadeed.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Muqdisho Somalia