
Ciidamada
AMISOM oo galabta duqaymo culus
u gaystay suuqa Bakaaraha
Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
June 17, 2009.
Ciidamada Nabad ilaalinta
Midowga Africa ayaa madaafiic
culus ku garaacay Suuqa
Bakaaraha magaalada Muqdisho oo
ah meesha ugu weyn ganacsiga
Somalia.
Duqaymo culus ayay Ciidanka
Africanka ah ka gaysteen meelaha
ganacsiga ah taas oo sababtay
khasaara soo gaara shacabka
rayidka ah iyo goobaha ganacsiga.
Goob joogayaal ku sugan Suuqa
Bakaaraha ayaa Mudugnet.com u
sheegay in 4-qof ay ku dhinteen
duqaynta ugu daran oo ka dhacday
wadooyinka 1-aad iyo 2-aad.
Dadka ayaa layaaban sababaha ay
Ciidanka AMISOM ee Muqdisho
jooga ay Villa Somalia uga
duqaynayaan Suuqa Bakaaraha
Muqdisho
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Muqdisho Somalia
Waxaan naclad
dusha uga tuureynaa Ciidamada
Kufaarta ee Amisom oo mas'uul ka
ah 90% geerida ku timaada dadka
rayadka ah , waxaana
mas'uuliyadeeda iska leh Sheekh
Shariif iyo ina Cabdirashiid ,
waana in Kufaarta Ugaandheeska
loo sheegaa in ay joojiyaan
duqeymaha Goobaha ganacsiga iyo
Cibaadeysiga , hadii kale
Labadan Shaqsi ee Sheriif iyo
ina Cabdirashiid ay lumiyaan
taageerada Shacabka waaba
lumiyeenee!
Cabdirisaaq cadde
editor.