Dowladda Federaalka oo hubkii ugu faraha badnaa ka heshay wadamada reer galbeedka

 

MudugNet, Muqdisho. Axad, June 14, 2009.
 


Beesha caalamka ayaa bilaawday in ay taageero dhan walba ah siiso dowlada taakta daran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.
Maraakiib hub iyo saanada dagaal u sida Ciidanka AMISOM ayaa kusoo xirtay dekadda Muqdisho si ay dowladu ula tacaasho dagaaladakaga imaanaya Xoogaga islaamiga ah.

Ilo muhiim ah ayaa ku waramaya in saanadda markabka saaran ay isugu jirto gaadiid dagaal iyo qoryaha loo yaqaan Dhashiikaha, Dabajeexa, Baasuukaha iyo rasaasta nuucyadeeda kala duwan.

Howlihii dekadda Muqdisho ayaa gebi ahaanba hakad la galiyey, waxaana is taagay dhaqdhaqaaqii dekadda ee maalinla ahaa sababo la xiriira dajinta saanadda saaran markabka ku xiran dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Amaanka dekadda iyo deegaanada ku dhow ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana amaanka sugaya ciidamada dowladda KMG ah oo ay kaabayaan ciidamada AMISOM ee dekadda ku sugan.

Kumanaan qof oo deegaansanaya banaanka Muqdisho ayaa walaac ka muujinaya hubkan Somalia lagu soo daad guraynayo xilli lafilayay in caalamku ay gargaar lasoo gaaraan shacabka dhibaataysan

Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho