Maamulka Ahlusuna gobalka Galgaduud oo beeniyay hadal shalay kasoo yeeray Xildhibaan Salaad Cali Jeelle

 

MudugNet, Muqdisho. Axad, June 14, 2009.
 


Ururka Ahlusuna Waljamaaca ayaa si kulul u beeniyay warar sheegayay in Ururkoodu uu ku biiray dowladda Federaalka Somalia ee uu hoggaamiyo madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Ahlusuna waxay waxma jiraan ku sheegeen hadalkii uu shalay Salaad Cali Jelle idaacadaha ka sheegay oo ahaay in Maleeshiyaadka ka dagaalamo galgaduud ay dowlada taageereen.

Gudoomiyaha Ururka Ahlusuna gobalada Dhexe Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay hadalkii uu shalay Warbaahinta siiyay Salaad Cali Jeelle.

" Ma jiro wax kulan ah oo aan la qaadanay dowladda KMG Somalia warkaas idaacadaha ayaan ka maqlnay, siyaasad ahaan Ahlusuna madiidan dowladda laakin yaan been nagala sheegin" ayuu yiri Omar Sheekh oo Ahlusuna ka tirsan.

Diidmadan ka timid Ururka Ahlusuna ayaa dhabar jab ku ah Mas'uuliyiinta dowlada ee shalay Warbaahinta u sheegay in ay is kaashi la yeesheen Maleeshiyaadka Ahlusuna ee ka dagaalamo Gobalka Galgaduud bartamaha Somalia.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho