Guddoomiyaha Barlamaanka oo xildhibaanada ugu baaqay inay soo xaadiraan Kalfadhiyada Barlamaanka.

 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, June 16, 2009.



Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu ka codsanayo xildhibaanada Barlamaanka KMG ah inay si dhaqso ah dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga qeyb galaan kalfadhiyada Barlamaanka KMG ah oo dib u bilaabanaya.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay kulamada Barlamaanka ka dhacayaan xarunta maamulka gobolka Banaadir oo dib loogu dayactiray xubnaha Barlamaanka, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay in dib loo sii amba qaado kalfadhiyada Barlamaanka.

"Xildhibaanada fasaxa ku maqan waa inay si dhaqso ah u soo laabtaan si ay uga qeyb galaan kulamada Barlamaanka" ayuu yiri Aadan Madoobe Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia.

Shalay ayaa lagu waday in Barlamaanka KMG ah uu ku kulmo magaalada Muqdisho hase ahaatee kulanka Barlamaanka dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii inta badan xubnaha Barlamaanka ay soo xaadiri waayeen kulanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.