Dowlada Tikreega oo beenisay fara gelinta qaawan ee Ciidankeedu kusoo sameeyeen Somalia
 

MudugNet, Muqdisho. Axad, June 14, 2009.


Dowladda Tikreega ayaa beenisay in ciidankeedu ay soo galeen gudaha dalkeena Somalia xilli dad ku sugan degmada Balanballe ay xaqiijiyeen in kumanaan katirsan Ciidanka Tikreega ay gudaha u soo galeen magaaladaasi balanballe.

War ay soo saartay dowladda Ethiopia ayaa lagu beeniyey in cutubyo katirsan dowladda Ethiopia ay gudaha u soo galeen dalka Somalia halkaas oo ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan.

Afhayeenka dowladda Ethiopia Barakat Simon ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia marnaba aanay gudaha u soo galin dalka Somalia, waxaana uu sheegay in warkaas uu yahay mid la buunbuuniyey oo been abuur ah.

"Wararka sheegaya in ciidamada Ethiopia gudaha u galeen Somalia waxaa buun buuniyey kooxaha islaamiyiinta oo doonaya inay maja xaabiyaan dowladda KMG ah" ayuu yiri Barakat Simon afhayeenka dowladda Ethiopia.

Wuxuu intaas ku daray afhayeenka in dowladda Ethiopia ay kaliya difaacayso xuduudeheeda balse aanay doonayn inay gudaha u gasho dalka Somalia, hase ahaatee wuxuu xusay in haddii ay duruufto ku qasabto inay gudaha u soo gali doonaan mar kale Somalia.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho