Dagaallo qaraar oo Muqdisho ka socdo iyo Mucaaradka oo kusii fidayo xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, July 03, 2009.
 


Dagaallo culus ayaa maalintii 4-aad ka socdo magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta mucaaradka ah iyo ciidanka dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Duhurnimadii maanta ayuu dagaal qaraar ka bilaawday Isgoyska nasiib buundo degmada Dhibis iyo agagaarka Hotel-ka Global degmada C/xasiis waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dagaaladan ayaa la sheegay in ay galaafteen nolosha 10-qof oo badankood yahay dad rayid ah.

Ciidamada dowlada ayaa si nafla caarinima ah uga dagaalamaya agaarka Saldhigga gaadiidka booliska halka mucaaradku ay wadaan weeraro xowli ah.

Haddii aanay dagaalka soo gelin ciidanka AMISOM ee dowlada taageera waxaa dhici karta in xoogaga hubaysan ay kusoo siqaan madaxtooyada Villa Somalia.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho