Qoysaskii ugu badnaa degmooyinka Waqooyiga magaalada Muqdisho oo bilaabay Barakac hor leh

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, July 03, 2009.

 


Shacabka ku nool degmooyinka Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay kabarakacaan dhamaanba guryahoodii kadib markii ay halkaasi noqdeen furimo dagaal.
Kumanaan shacab ah ayaa u adkaysan waaye dagaalada qaraar ee kaaraan,Shibis,C/casiis iyo Yaaqshii ku dhaxmaraya Islaamiyiinta iyo ciidanka dowlada.

Wadooyinka ayaa lagu arkayaa dad u badan Caruur, Wayeelo iyo Haween ka cararaya dhibatooyinka dagaaladaasi, waxayna dadkani muddooyinkan ku sugnaayeen Xaafadahooda oo ay ka carareen dadkii la jaarka ahaa, waxayna niyada ku haysteen in Sil silada Dagaalada soo afjarmi doonaan, hase yeeshee saakay quus ka gaareen arrintaasi.

Sidoo kale qiimaha lagu raaci gaadiidka Barakacayaasha ayaa gaaray qiimihii ugu sareeyey abid lagu raro gadiidkaasi, iyadoo gaaria Qoyska kaliya uu geynayo deegaanada loo barakacay ee duleedyada Magaalada Muqdisho ka qaadayaan lacag dhan {Malyan iyo Shan boqol Kun Shlin Soomaali}, halka markii hore gaadiidkaasi lagu raaci jiray muddooyinkii la soo dhaafay 800 kun shilin Somali ah

Dadka barakacaya oo u badan dad dhibaato ugu jira nolosha qoysaskooda ayaa saakay lagu arkayaa iyagoo garbaha ku wataan joodariyaal maadaama ay awoodi kari waayeen qiimaha saa'idka ah ee gaadiidka barakacayasha ah.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho