Ciidamada AMISOM oo maanta Nin rayid ah ku dilay Isgoyska KM4 degmada Hodon magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, July 03, 2009.
 


Ciidamada AMISOM ee dowlada Federaalka Somalia ku ilaaliyo magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay dadka Rayidka ah si bareer ah u toogtaan.
Galabta casar liiqii ayay ciidanka AMISOM ee ku sugan Isgoyska KM4 degmada Hodon waxay toogasho ku dileen Nin Rayid ah oo marayay agagaarka Saafaradii hore ee Masar oo fariisin u ah Ciidanka AMISOM.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay dhabarka ka toogteen marxuumka geeriyooday oo goobta marayay iyagoona uga shakiyay in uu halkaasi Miino ku aasayay, dadka ayaa sheegay in ruuxa ladilay uusan hubaysnayn islamarkaana ay Ciidanka AMISOM ay awoodeen in ay soo qabtaan su'aalana ay weydiiyaan.

Falkan wuxuushnimada ah oo ay AMISOM gaysatay ayaa cadaynaya xaqiiqda eedayn ay dhawaan usoo jeedisay Hay'ada Xuquuqul aadanaha Human Rights Watch.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho