Al Shabaab oo Xukun Gacan goyn ah ku riday Nin ku sugan magaalada Marka oo lagu helay fal xatooyo ah

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, July 03, 2009.


Maxkamad ay leeyihii Xarakada Al Shabaab ayaa maanta mar kale xukun gacan goyn ah ku xukuntay Qof ku sugan magaalada Marka oo lagu helay fal xatooyo ah.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Marka ayaa xaqiijinaya in Meel fagaar ah gacanta looga jaray Max'med Islaaw oo la sheegay in uu xaday neef lo' ah deegaanka Gandaabe gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciqaabtan lagu riday Max'med Islaawe ayaa ah mid fudu marka loo eego gacan goyn ay horay u fuliyeen kooxda Al Shabaab,Ninkan lagu helay tuuganidama ayaa lasheegay in laga jarayo qayb kamid ah gacantiisa.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay Al Shabaab fuliyaan xukun nuucaan ah, horay ayay xukun kan oo kala ah ufa fuliyeen Muqdisho,Kismaayo,Baardheere iyo Marka.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho