Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidanka Maxaakimta dowlada raacsan oo ku biiray kooxda mucaaradka Xisbul Islaam

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, July 02, 2009.
 


Sarkaal sare oo katirsan Maxaakimta Islaamka Dowlada raacsan ayaa shaaca ka qaaday in uu ku biiray xoogaga mucaaradka isklamarkaana uu ka baxay Dowlada Federaalka Somalia.

Mas'uuliyiintii Maxaakimta Gobalka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay sida Tuxbixii oo kale ukala daadanayay tan iyo markii weerar Ismiidaamin ah lagu dilay Cumar Xaashi Aadan.
Taliyaha oo wata labo gaadiidka dagaalka ah iyo 50-askari oo katirsanaa ciidanka Maxkamadaha Islaamka ayaa saaka u talaabay dhanka Galbeed ee magaalada Baledweyne halkaas oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Xizbul Islaa iyo Al-shabaab.

Taliyaha oo hadal kooban siiyey saxaafadda ayaa sheegay inuu isaga baxay maamulka Maxkamadaha Islaamka oo uu ku eedeeyey inay dalka soo galiyaan cadowga Soomaaliya, waxaana uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la dagaalamo ciidanka Ethiopia.
Wuxuu intaas ku daray in isaga iyo saraakiil katirsan Ururka Xizbul Islaam ay saacadaha soo socda si wada jirah u qaban doonaan shir jaraa'id oo ay uga hadlayaan ka soo tagistiisa Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee goosashada taliyihii ciidanka Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Baledweyne ayaa imaanaysay xilli maamulka Maxkamadaha Islaamka ee gobolka Hiiraan ay hareeyeen khilaafaad u dhexeeya madaxda, waxaana xusid mudan in guddoomiyihii maamulkaas ay u yeertay dowladda KMG ah.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho