
Dowlada
Itoobiya oo yaraysatay
Hanjabaadyada uga imaanaya
Xoogaga Islaamiyiinta Somalia
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
July 02, 2009.
Dowlada
Itoobiya ayaan wax weyn kasoo
qaadin hanjabaadyada kasoo
yeeray Xoogaga Islaamiyiinta ee
ku aadan in ay weerararyaan
hadii ay Itoobiya isku daydo in
ay Ciidan kusoo daad gurayso
gudaha dalka Soomaaliya oo ay ka
jiraan kacdoono Islaami ah.
"Wax dhib ah naguma hayso digniinaha
Islaamiyiinta Somalia, dabcan
waxa hadalkaasi ka soo yeerayaa
waa Al-shabaab oo jecel in
dagaal furan ay ku dhawaaqaan,
balse awood uma lahan in ay na
soo weeraraan ee waa uun iska
hadal aan fiiri dheeri loo oran
oo looga gol leeyahay in dadka
lagu beer laxawsado waayo dadku
way ogyihiin in aysan waxba u
heynin oo ay yihiin canaasiir
dulaaliin gobolka Geeska Afrika
uga ah Al-Qaacidda" ayuu yiri
Afhayeenka xukuumadda Itoobiya
Breket Simon oo warfidiyeenka
kula hadlayay magaalada Addis
Ababa.
Afhayeenka
xukuumadda Itoobiya Barkat Simon
ayaa waxa uu sheegay in
xoogaggaasi ay mashquul ku
yihiin gudaha dalka Soomaaliya
isla markaana ay dagaallo kula
jiraan dawladda federalka
Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku
daray inuusan marnaba
aaminsanayn in xoogaggaasi ay
qalqal gelin karaan ammaanka
dalka Itoobiya oo ay cashar
siinayaan haddii ay soo
hawaystaan Itoobiya.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho