
Ciidamo
Itoobiyaan ah oo kaabiga soo
saaray magaalada B/weyne gobalka
Hiiraan
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
July 02, 2009.
Ciidamo katirsan kuwa
Cadawga Itoobiya ayaa bilaabay
in ay soo kulaalaan magaalada B/weyne
xarinta Gobalka Hiiraan oo ay
kala joogaan Xoogaga
Islaamiyiinta Mucaaradka ah iyo
Ciidamo aan tira badnayn oo
taageersan Dowladda Federaalka
Soomaalia.
Ciidamadaan ayaa la sheegay inay
saaka dhaqdhaqaaqyo ka wadaan
tuulada Ceelgaal oo ku dhow
magaalada Baledweyne, waxaana
wararku sheegayaan inay ka soo
kicitimeen deegaanka Kalabeyrka
oo ay ku sugnaayeen maalmihii
ugu dambeeyey.
Dad socota ah ayaa sheegay in
ciidamada Itoobiyaan ah ay
yihiin kuwa aad u qalabaysan
ayna u muuqdaan kuwa ku wajahan
magaalada Baledweyne oo qeyb
kamid ah ay hadda gacanta ku
hayaan xoogagga mucaaradka ee
Xizbul Islaam iyo Al-shabaab.
Wararka naga soo gaaraya
magaalada Baledweyne ayaa
sheegaya in xoogagag Xizbul
Islaam iyo Al-shabaab heegan
buuxa la galiyey si ay dagaal
ugala hortagaan ciidanka
Itoobiyaanka ah ee ku soo
wajahan magaalada Baledweyne.
Xaaladda magaalada Baledweyne
ayaa ah mid aad u kacsan,
waxaana dadku ay hadal hayaan
imaatinka ciidamada Itoobiya ee
deegaanka Ceelgaal oo aad ugu
dhow magaalada Baledweyne.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho