Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo Muqdisho ku dhintay

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, July 01, 2009.


Mudane katirsan dowlada Federaalka Somalia ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib xanuun in mudda ah hayay,saraakiisha cisbitaalka Madiina ayaa sheegay in uu xildhibaanku u dhintay caafimaad xumo.
Geerida xildhibaankaan waxaa xaqiijisay wasiiradda horumarinta Reer Miyiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo xalay ka qeyb gashay munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo oo ah maalintii ay gobolada koonfureed xornimada ka qaateen gumaystihii Talyaaniga.

Ma cadda rasmiyan sababaha uu u geeriyooday xildhibaan Shariif Saafi Rooble oo kamid ahaa mudanaayaasha Barlamaanka Somalia, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay guddoonka Barlamaanka Somalia oo ku aadan geerida xildhibaankan.
Inkasta oo aan la cadeyn karin geerida xildhibaankaan hadda waxa ay ku soo beegmaysaa xilli inta badan xildhibaanada Barlamaanka badankood ay hadda dalka ka maqan yihiin sababo xagga amaanka ah.

Xildhibaankaan ayaa noqonaya kii 4-aad ee ku geeriyooda magaalada Muqdisho kadib markii horay ay magaalada ugu dhinteen xildhibaano kale oo ka mid ahaa Barlamaanka Somalia oo uu ugu dambeeyey xildhibaan Eng. Maxamed Xuseen Cadow oo ku dhintay dagaallo kadhacay degmada Kaaraan.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho