Shacabka magaalada Balcad oo sheegay in ay samaysanayaan Ciidamo ka madaxbanaan Dowladda C/laahi yuusuf ee Gumaysi raaca ah.
MudugNet, Muqdisho. Khamiis, May 15, 2008
Shacabka ku nool degmada Balcad gobalka Sh/dhexe ayaa bilaabay in ay samaystaan Ciidamo Madani ah oo wax ka qabto arrimaha amaanka degmada Balacad islamarkaana ukala dab qaado Dadka iska maan dhaaf soo kala dhaxgalo.
Wararka aan ka helayno Balcad ayaa tilmaamayo in Ciidamada Madaniga ay soo xuli doonaan Siyaasiyiinta iyo Oday dhaqameedyada degmada Balcad, Dadweynaha ku nool degmada Balcad ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhismaha Ciidamadan Madaniga ah.
Afhayeenkii hore ee degmada Balcad Xasan Kacaan ayaa la sheegay in uu kaalin weyn kuleeyahay abaabulka dhismaha Ciidamada Madaniga Wararka ayaa intaas kudarayo in Ciidamada Madaniga ah ee loo dhisayo Balcad ay cadaadoodu tahay ilaa iyo 100- Askari oo ah Dadka deegaanka.
MudugNet News