Qarax Miino oo ay ku halaagsameen Maleeshiyada Gumaysi raaca C/laahi yuusuf oo Maanta Muqdisho ka dhacay.
MudugNet, Muqdisho. Khamiis, May 15, 2008
Qarax xoogan oo ay ku hoobteen Maleeshiyada Dowladda C/laahi yuusuf ee gumaysi raaca ah ayaa Maanta ka dhacay Isgoyska Taleex degmada Hodon magaalada Muqdisho.
Maanta Duhurkii ayay Xoogaga gumaysi diidka ah weerar ku qaadeen Kolonyo katirsan Baabuur Tiknika ah oo ay wateen ilaalada Gaarka ah ee C/laahi yuusuf waxaana ka geeriyooday in kabadan 5-Maleeshiyo iyo dhaawac gaaray tobaneeyo kale.
Dad ka ag dhawaa goobta ay wax ka dheceen ayaa Warbaahinta u sheegay in ay arkayeen Maydadka Maleeshiyada oo jar-jarmay kadib markii ay si daran ula qaraxday Miino nuuca Romuudka laga haga ah oo si toos ah u haleeshay Gaariga Tiknikada ah.
MudugNet News