Isbahaysiga Asmara oo 24-saac Gudahood soo saaray Warsaxafadeedyo lagu diidanyahay Shirkii Shiqoolka Jabuuti ka dhacay .
Smd/ XDIDS
Tirsi /00/10 Date 15/05/2008
Ujeedo Bayaan
Waxaa xafiiska dib u heshiiisiinta isbaheysiga dib u xoreynta soomaliya bayaankan ku cadeynayaa qodobo la xiriira shirka dib u heshiisiineed ee ka socda wadanka jabuuti
1-Waxaa xafiisku cadeynayaa in aanay sharci ku joogin gudiga kaga qeyb galay dhinaca Isbaheysiga waayo waxa ay ka hadlayaan waa arin masiiri ah mudanna in ay maraan waddo sax ah,taasoo ah in marka hore uu xafiiska dib u heshiisiinta soo diyaariyo habka istiraatiijiyada ee loo marayo wada hadalka ,intaas ka dibna la hor dhigo golaha fulinta iyo golaha joogtada markii la ansixiyana ay sidaasi ku hawgalaan iyagoo mar walibana kula soo noqonaya golaha fulinta wixii u baahan go’aan ka gaaris,sidaa darted ayaa Xafiiska dib uheshiisiinta Isbheysiga Dib U xoreyta soomaaliya uu cadeynayaa inaanay jirin wax wargelin ama la soocdsiin ku saabsan Shirkaasi
2-Mabaadii'da Isbheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ku heshiiyey waxaa ka mid ah in uu shirka dib u heshiisiineed uu noqdo mid ka tarjumaya masaalixda ummadda soomaaliyeed, kama muuqato in ay QM ay maanta ka shaqeyneyso danaha soomaaliyeed balse waxa ay dooneyso waa inay awooda muqaawamada kala dhantaasho,sababtoo ah haday Q/M Wax Qabaneeyso waxaa ay wax ka qaban lahaayeen Magaalada Uma Durman oo ka tirsan wadanka Suudaan oo 200 oo qof lagu dilay iyadoo ay joogaan ciidamo ka socda Q/M iyo meelo badan oo ay Ciidamada Q/M Joogaan ,sidaa darted Ciidamada Ethiopia in lagu badalo kuwa .Q/M waa kud ka guur qanjo u guur.
3-Inta badan xubnaha Isbaheysigu waa mid aan ka raali ahayn waxa ka socdo jabuuti ee lagu marin habaabinaayo dadaalkii in muda ah ay soo wadeen isbaheysiga Dib u xoreynta soomaaliyeed ee la doonayey in dalka lagu xoreeyo.
4-Waxaa xafiska Dib u Heshiisiinta u qaabilsan Isbaheysiga uu cadeynayaa in aanay noqoneyn wax mira dhala go’aan kastaa oo lagu gaaro shirka jabuuti mar haddii aanay sharci u haysanin gudiga metelaya dhinaca isbaheysiga oo aan marin waddo sax ah.
5-Isbaheysiga waa sidii sii wax khilaaf ahna kama taagna haddii sida lagu heshiiyey loo wada shaqeeyo lana dhowro sharcigii u qornaa, waxaase dhici karta in qof uu iskiisa isaga tago taasina waxba u dhibi meyso in uu isbaheysiga u guto hawshii uu isu taagay oo aheyd inuu dalka ka xoreeyo cadowga qabsaday.
Warsaxaafadeedkani ay maanta Soo saareen Xafiiska Xafiiska dib u heshiisiinta ee is baheysiga Dib u Xureeynta Dalka Somalia oo Nuqul ka Mid ah uu soo Gaaray Xafiiska War Qabadka Shabakada War Baahinta Shabelle ayaa waxaa ku saxiixnaa
Xoghaya Xafiiska dib u heshiisiinta ee is baheysiga
Axmed C/laahi Xuseen.
MudugNet News