Gaari Tikinika ah oo ay lahaayeen Maleeshiyada C/laahi yuusuf oo Maanta isku dhiibay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, May 15, 2008
 


Gaari Tiknika ah oo ay lahaayeen Maleeshiyada Dowlada C/laahi yuusuf Majeerteeniya ayaa Maanta iskusoo dhiibay xoogaga Waxiska caabinta Soomaaliyeed ee dagaalka Jihaadka ah ka wado Soomaaliya xili ay sii kordheen Firxadka Maleeshiyada Dowlada.

Gaarigan isdhiibay ayay la socdeen 10 Askari oo ay u dhanyihiin hubkooda waxayna si geesinima leh uyimaadeen Isgoyska Bakaaraha halkaas oo ay ka gelbiyeen Ciidamo katirsan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.
Mas'uuliyiin katirsan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada isdhiibay ay siwanaagsan ula dhaqmayaa islamarkaana ay soo dhawaynayaan, Ciidamadan Isdhiibay ayaa la sheegay in ay kasoo goosteen Saldhig ay kulahaayeen Warshadii hore ee Harkaha iyo Saamaha waxayna si gooni ah uga tirsanaayeen Maleeshiyada Puntland ee gumaysiga raacsan.

 

MudugNet News