Ciidamada Kooxda Al Shabaab oo Galabta la wareegay Gacan kuhaynta degmada Diinsoor Gobalka Baay.
MudugNet, Muqdisho. Khamiis, May 15, 2008
Ciidamo katirsan Xarkada Al Shabaab ayaa Maanta la wareegay Gacan ku haynta degmada Diinsoor Gobalka Baay oo ay ka arrimi jireen Maleeshiyo taabacsan Maamulka Gobalka Baay ee la shaqeeyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
Wararka nagasoo gaarayo degmada Diinsoor ayaa xaqiijinayo in Xoogaga Al Shabaab ay galeen magaalada islamarkaana ay howlo Nabad gelyada lagu sugayo ka sameeyeen magaalada Diinsoor.
Shacabka magaalada ayaa la sheegay in ay soo dhaweeyeen Xoogaga Al Shabaab iyadoona ay socdaan dadaalo la doonayo in Shacabka ay Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab meel fagaara ah kala hadlaan sida aan wararka ku helayno, Maamulkii Dowladda C/laahi yuusuf ay umagacaawday Diinsoor ayaa dharaar cad isaga baxay magaalada kadib markii uu arkay Cududa ay leeyihiin xoogaga Al Shabaab oo horay uqabsaday degmooyinka Qansaxdhere iyo Ufurow.
MudugNet News