Kooxaha Muqaawadamada oo Galabta Hoobiyaal ku garaacay xarumaha Ciidamada Cadawga Itoobiya ay Muqdisho ku leeyihiin.

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 14, 2008

 
 

Dagaalyahanada gumeysi diidka ah ayaa Galabta Weeraro loo adeegsaday hoobiyaal ku qaaday Fariisimo dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Gumaysiga Tikreeg iyo Dabadhilifyada iyaga la shaqeeyo xili ay ko usii keceen dagaalada gumaysi diidka ah ee ka socdo magaalada Muqdisho.
 

Galabta Casar liiqii ayay xoogaga gumaysi diidka ah waxay Hoobiyaal roobka uga dhigeen meela ay ka mid ahaayeen Warshaddii hore ee Baastada, Garoonka Isbartiibada Muqdisho iyo kuliyadii Jaale Siyaad , Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen Daryanka Hoobiyaasha iyo Madaafiic ay Xaq udirirka Soomaaliyeed ku garaacayeen Tikreega.
 
Wararka qaar ayaa sheegayo in Holac iyo uura Madoow ay ka baxday Wasaaradda Gaashaan dhiga waxaana loo malaynayaa in Hoobiyaashii ay haleeleen Gawaarida Uraalada loo yaqaan oo ay isticmaalaan Ciidamada Cadawga Itoobiya.

 

MudugNet News