(Daawo Sawirada)Ciidamada Tikreega Itoobiya oo Maanta Shacabka Masaakiinta ah u qaybiyay Raashin Uray oo ka haray Hay'adda WFP iyo Gumaysi raacyo ka qayb galay Shirqoolka Shacabka.
MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 14, 2008
Taliska Ciidamada gumaysiga Tikreega ayaa Maanta magaalada si qasab ah ugu qaybiyay Shacab Masaakiin ah Raashin ah oo ay soo dhiibtay Hay'adda WFP oo ah Hay'adda cunada u qaabilsan Q.Midoobe.
Ciidamada Cadawga Itoobiya oo aan looga baran in ay shacabka Muqdisho siiyaan Raashin iyo Biyo ayaa Maanta si fulaynimo iyo jees jees Xerada Ceel tusbax agagaarka Wasaaradda G/dhigga uga qaybiyay ilaa iyo 400-Kiintaal oo ah Mesegada ay bixiso Hay'adda WFP.
Weriyaal ka tirsan Shabakada Wararka Mudugnet.com oo goob joog ka ahaa goobtii ay Amxaaradu joogtay ayaa soo sheegay in waxa la qaybiyay ay ahaayeen Raashin Uray oo aan lahayn nacfi waxaana soo aruuriyay Dabadhilifyo ka tirsan waxa loogu yeero maamulka gobalka Banaadir oo uu ka mid ahaa Max'med Cismaan Dhagaxtuur iyo Cabdi Fitaax Shaaweeyay.
Waxaa la yaab lahaa markii shacabkii goobta jooge la weydiiyay sida ay u arkaan Raashinka loo qaybiyay in ay ku jawaabeen " Itoobiyaan khayr noo mahayaan waa Weji raadsi hadddii aan diidnana way na xasuuqayaan" Warbaahinta Muqdisho ayaa ka gaabsatay in ay Shacabka ka gadaan Itoobiyaan Deeq bixiyay halka Idaacadda BBC-du ay sii daysay.
MudugNet News