Askar Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyo Soomaali ah oo Maanta lagu laayay Weeraro kala duwan oo Muqdisho ka dhacay.
MudugNet, Muqdisho. Arbaco, May 14, 2008
Xoogaga Wax iska caabinta Sharciga ah ayaa maanta Weeraro kaladuwan ku qaaday Maleeshiyada Dowladda C/laahi yuusuf ee gumaysiga raacsan iyo Ciidamo katirsan Cadawga Itoobiya oo marayay wadada Warshadaha degmada yaaqshiid.
ilaa iyo Saddex ka tirsan Askarta Cadawga Itoobiya ayay Xoogaga Wax iska caabinta Soomaaliyeed ku dileen Weeraro loo adeegsaday Miinooyin iyo Baasuukayaal waxaana Itoobiyaanka Gaaray qadsaare aad u xoogan, Maydadka Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa lagu arkay goobihii ay weeraradu ka dheceen.
Xiligii Weerarka lagu qaadayay Maleeshiyada dowladda iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya ayay doonayeen in ay Raashinka quraacda ah uqaadaan Itoobiyaanka kale ee ku go'doonasan Warshadda Baastada Muqdisho.
MudugNet News