Maxkamad Islaami ah oo Maanta looga dhawaaqay magaalada Gudhaa gobalka Jubbada hoose.
 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 12, 2008


Mas'uuliyiinta Maxkamadaha islaamka Soomaaliya ayaa Maanta Maxkamad Islaami ah uga dhawaaqay magaalada Gudhaa oo katirsan Jazeeradaha gobalka Jubbada hoose oo ay ku xooganyihiin Ciidamada Maxkamadaha Islaamka iyo Taageerayaashooda.
 
Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta deegaanka ayaa si buuxda isugu raacay in la dhiso Maxkamad Islaami ah oo Shacabka ku maamuli doonto Shareecada Islaamka sida ay Warbaahinta usheegeen Mas'uuliyiin katirsan maxkamadaha islaamka.
 
Wararka ayaa intaas ku darayo in Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ay Jubbooyinka ka wadaan howlo ay ku baahinayaan Nidaamka Islaamiga ah isla markaana ay Dadka ka dhaadhacsiinayaan in aanay taageera siin Gumaysiga Itoobiya ee ka jiro Soomaaliya inteeda kale dhawaan ayay ahayd markii Maamul Islaami ah looga dhawaaqay degmada Afmadoow


MudugNet News