Maleeshiyada loo yaqaan Copy-Amxaaro oo Maanta lagu Weeraray xaafadda Jaalla Siyaad degmada Dayniile.
MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 12, 2008
Maleeshiyo katirsan Dowlad ku sheega C/laahi yuusuf ee Xasuuqa ka wado Muqdisho ayaa Maanta la kulmay Weerar aad uculus oo ay ku halaagsameen islamarkaana uu ku burburay Gaari dagaal oo ay wateen Maleeshiyadaas la weeraray.
Barqanimadii Maanta ayay Xoogaga wax iska caabintu Miino la heleen Gaari Cabdi Bila ah oo marayay agagaarka Kuliyaddii hore ee Jaala Siyaad waxaana halkaas uu ku Riiqday Ciidamada loo yaqaan Copy-Amxaaro oo khatar ku ah Shacabka Soomaaliyeed.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac baaxadleh, markii uu Weerarku dhacay ayay Maleesiyadu Rasaas si arxan darra ah ugu fureen Dad rayid ah mana jiraan wax dhib ah oo gaaray Shacabkii Rasaasta lagu furay
MudugNet News