Ciidamo ka tirsan Cadawga Itoobiya oo Maanta lagu Dilay Miisaanka Dhuxusha degmada yaaqshiid.
MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 12, 2008
Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa Maanta Weeraro kala duwan ku qaaday Ciidamada Cadawga Itoobiya ee dhibaatada kawado Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho xili ay Itoobiya qarka usaarantahay in ay ka baxdo dalka Soomaaliya.
Maanta Duhurkii ayay xoogaga waxiska caabintu Weerar ku qaadeen Kolonyo katirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya oo marayay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha degmada yaaqshiid waxaana halkaas ku Baqtiyay Askar katirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya .
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed ay Miino u dhigeen Itoobiyaanka taas oo keentay in ay halaagsamaan Gumaysiga Cadawga Itoobiya Maydadka ilaa iyo 5-SAskari oo katirsan Ciidamada Itoobiya ayaa lagu arkay goobtii uu Weerarku ka dhacay, Wadada Warshadaha ayaa maalin kasta lagu Weeraraa Itoobiyaanka Sahayda uqaado Tikreega ku go'doonsan Wasshadda Baastada.
MudugNet News