Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Shiikh Ibraahim Suuleey " Alla Mahadii Ciidamadeenu Maanta waxay Xasuuqeen Ciidamada Cadawga Itoobiya oo marayay deegaanka Leego Baqatigoodana halkaas ayuu yaal".
MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 12, 2008
Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa Maanta Dagaal qaraar lagalay Ciidamo katirsan Cadawaga Itoobiya oo marayay deegaanka Leego oo dhaca xadka ay wadaan Gobalka Bay iyo Sh/hoose waxaana qasaara culus lagaarsiiyay Ciidamadii Cadawga Itoobiya.
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa sababay dhimashada 60 -Askari oo ka tirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya iyo burburka 3-Baabuur oo ah nuuca dagaalka, Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Shiikh Max'muud Ibraahim Suuleey ayaa saxaafadda u sheegay in Ciidamadoodu ay fuliyeen Weerarkaas.
Holac ka baxayay Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa laga dareemayay deegaanka yaaq bari weyne oo aan ka fogayn goobta lagu dagaalamay, Warar aan ka helnay degmada Buurhakaba gobalka Bay ayaa xaqiijinayo in Itoobiyaanka oo wato Maydad badan ay u gudbeen Baydhabo.
MudugNet News