War deg deg ah: Kooxo hubaysan oo Caawa degmada Shibis ku toogtay Sarkaal katirsan Maleeshiyada Nabad Sugidda.
MudugNet, Muqdisho. Axad, May 11, 2008
Dagaal yahanada Wax iska caabinta Soomaaliyeed ayaa Caawa Toogasho ku dilay Sarkaal sare oo katirsanaa Nabad sugidda Dowladda gumaysi raaca ah ee uu hugaamiyo C/laahi yuusuf .
Caawa Fiidkii ayay xoogag hubaysan khaarijiyeen Sarkaalkan ka tirsan qolada Nabad Sugidda loo yqaaqaan xili uu lugaha kula jiray Basaasida Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, Warar aan Caawa ka helnay xaafadda Buulashiidle degmada Shibis ayaa xaqiijinayo Dilka Ninkan.
Xaalad cabsi ah ayaa Caawa ka jirto degmada Shibis waxaana heegan la geliyay Maleeshiyada ilaalada u ah Mujrimka gudoomiyaha ka ah degmada Shibis Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ninka la dilay uu ahaa Basaas si weyn looga yaqiin Shibis.
MudugNet News