Ciidamada Tikreega oo Maanta Baydhabo ku xasuuqay Dad rayid ah xili ay Biya dhaamis ku howlanaayeen.
 

MudugNet, Muqdisho. Axad, May 11, 2008


Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa maanta magaalada Baydhabo xarunta Gobalka Baay ku laayay Dad rayid ah oo aan wax dhib ah ugaysan Umadda, Maanta Duhurkii ayay Tikreega Itoobiya waxay bartamaha magaalada ka sameeyeen falal kharbudaad ah oo ay ku caburiyeen shacabka.
 
ilaa iyo 5-qof oo ah Muwaadiniin ayaa la sheegay in Ciidanmada Cadawga Itoobiya ay Baydhabo ku dileen Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ayaa tilmaamayo in Dhalinyaro maraysay meel banaan ah ay Itoobiyaanku dhabarka ka toogteen.
 
Cabsi aad u xoogan ayaa soo foodsaartay Tikreega Baydhabo kusugan kadib markii ay xoogaga waxiska caabinta Soomaaliyeed howlo lagu diirsaday ka bilaabeen gobalka Baay waxaana ugu dambeeyay Dilkii dhawaan loo gaystay Askar Itoobiyaan ah, Dilalkan loo gaysanayo Shacabka Soomaaliyeed ayaa caadi kanaqday Soomaaliya manajirto cid la xisaabtamayso Ciidamada Cadawga Itoobiya.

 

MudugNet News