Ciidamada Muqaawamada Soomaaliyeed oo Maanta Khaarijiyay Nin ka tirsanaa Minishiibiyada Dowladda C/laahi Yuusuf xili uu lacago Baad ah ka qaadayay Suuq Bacaad.

 

MudugNet, Muqdisho. Axad, May 11, 2008


 
Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed waxay maanta Khaarijiyeen Sarkaal katirsan waxa loogu yeero Minishiibiyada Dowladda Federaalka C/laahi yuusuf ee la shaqayso Gumaysiga Itoobiya.
 
Maanta Duhurkii ayay kooxo ku hubaysan Bastoolado waxay Weerar ku qaadeen Maleeshiyadan oo lacago Baad ah ka qaadayay Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, ilaa iyo 3 Nin oo Bastoolado ku hubaysan ayaa la sheegay in ay Weerareen kooxo katirsan Maleeshiyada oo bartamaha Suuqa ka aruurinayay lacago baad ah.
 
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in kooxihii Weerarka soo qaaday ay baxsadeen islamarkaana ay goobta ka carareen Maleeshiyadii lacagaha Baadda ah ka qaadayay Ganacsatada waqooyiga magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ku soo kordhayay dilalka ay Mujaahidiinta Wax iska caabintu ku hayaan Mujrimiinta isku kaashaday Bililiqada Shacabka Soomaaliyeed.


MudugNet News