Ciidamada Itoobiya ee B/weyne ku sugan ayaa Maanta Hub-ka dhigis ku sameeyay yuusuf Dabageed gudoomiyihii Gobalka Hiiraan.
 

MudugNet, Muqdisho. Axad, May 11, 2008

 
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa Maanta gudaha usoo galay magaalada B/weyne xarunta Gobalka Hiraan oo Bilihii la soo dhaafay ka nabdoonayd Gumaysiga Cadawga Itoobiya balse ay Maanta galeen Tikreega iyo Mooryaantii la socotay.
 
Markii ay Ciidamada Cadawga Itoobiya galeen B/weyne ayay Hubka dhigis ku sameeyeen Mujrim yuusuf Dabageed Gudoomiye ku sheegii gobalka Hiiraan oo ay dharaar Cad u awood sheegteen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.
 
Dabageed ayay Tikreega Itoobiya ka qaateen in kabadan 10-Gaari oo ah nuuca Dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan waxayna ku amreen Dabageed in uuna gudaha ugelin magaalada haddii kale ay Talaab adag ka qaadayaan.
 
Wararka nagasoo gaarayo magaalada B/weyne ayaa tilmaamayo in Ciidamada Cadawga Itoobiya ay fariisin Ciidan ka dhigteen deegaanka Janta Kuundisho isla markaana ay halkaas kala socdaan dhaq dhaqaaqa magaalada B/weyne, arrintan ay Tikreegu kula keceen Dabageed ayaa muujinayso in kuwa sheegto Mas'uuliyiin ay yihiin magaca u yeel ay sida la rabo laga yeelo.
 

MudugNet News