Xoogaga Wax iska caabinta oo Maanta Askar Itoobiyaan ah ku laayay dagaal ay kula galeen Wadada Warshadaha
MudugNet, Muqdisho. Sabti, May 10, 2008
Dagaal culus oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa Maanta ka dhacay qaybo ka tirtsan wadada warshadaha oo ay ku xooganyihiin xoogaga Gumaysi diidka ah, Maanta barqadii ayay Mujaahidiintu Weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah.
Ilaa iyo 3-Saban ayaa la sheegay in lagu dhuftay Ciidamada Cadawga Itoobiya taas oo sababtay dhimshada 3-Askari oo ka tirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya oo xiligii la weerarayay doonayay in ay Raashin sahay ah u qaadaan Itoobiyaanka ku Go'doonsan Warshadda Baastada.
Maanta Duhurkii ayaa wadada lagu arkay Maydadka Askarta Itoobiya, Dad goob joogayaal ay ayaa xaqiijiyay in xoogagii dagaalka la galay Itoobiyaanka ay ku sugan yihiin weli goobihii lagu dagaalamay waloow ay Ciidamada Cadawga Itoobiya joogaan meel aan sidaas uga fogayn goobta.
MudugNet News