Saraakiil ka tirsan Maleeshiyada ilaalada Villa Somalia oo Maydadkooda laga helay xaafadda Xararyaale.
 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, May 10, 2008

 
Maydadka Maleeshiyaad katirsan Dowladda ayaa saaka lagu arkay goobihii ay shalay dagaalada kula galeen Xoogaga Waxiska caabinta Soomaaliyeed ee diidan gumaysiga Amxaarada Tikreega Itoobiya, ilaa iyo 5-Mayd oo Sedax ka mid ah ay yihiin Maleeshiyada Maamulka Puntland ka soo jeedo ayaa saaka laga helay xaafadaha Xararyaale.
 
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyada dowladdu ay saaka ilaa iyo duhurnimadii Maanta ay xirteen wadada Xararyaale oo xalay ay ka dhaceen dagaalo culus xaafadaha Wardhiigleey ayaa Maanta u muuqday meelo laga kala qaxay.
 
Dhinaca kale Warar Dheeraad ah oo kasoo baxay dagaalkii Shalay ayaa tilmaamayo in ay Dhinteen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda C/laahi yuusuf oo uu ka mid ahaa Taliyihii Maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, xoogagii shalay Weerarka ku qaaday Maleeshiyada Puntland ayaa la sheegay in ay qaateen Hub iyo Saanado dagaal.


MudugNet News