Ciidamada Al Shabaab oo Maanta Weerar ku qaaday Kolonyo ay lasocdeen Wasiiro katirsan Dowladda C/laahi yuusuf.
MudugNet, Muqdisho. Sabti, May 10, 2008
Xoogaga Al Shabaab ayaa Goordhaw dagaal kula wareegay Gaadiid dagaal oo ay wateen Wasiiro katirsan Dowladad Federaalka C/laahi yuusuf oo ku safrayay deegaanka Leego iyo yaaqbariweyne Gobalaka Sh/hoose.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Al Shabaab ay Dileen 5 Maleeshiyo oo ilaala u ahaa Muuse Nuur Amiin Wasiirka arrimada Gudaha iyo Max'med Cali Xaamud Wasiirka arrimaha Maaliyada oo Dabadhilif u ah Ciidamada Cadawga Itoobiya.
Wararka qaar ayaa sheegayo in Al Shabaab ay u gacan galeen Wasiiro ka tirsan Dowladda waloow aan warkaas si rasmiya loo xaqiijin balse Abuu Mansuur wuxuu sheegay in ay Dileen Askar.
Warar Galabta laga helay magaalad Baydhabo ayaa tilmaamayo in Dhaq dhaqaaq Ciidan laga dareemay magaalada kadib markii la xaqiijiyay in Maanta uu badbaaday Max'med Cali Xaamud, Goobta Maanta lagu weeraray Raggan ayaa ah meeshii dhawaan lagu weeraray Tikreega Itoobiya
MudugNet News