War deg deg ah: Dagaal qaraar oo Galabta ka socdo xaafado ka tirsan degmada Wardhiigleey Xoogaga Muqaawamada oo la sheegay in ay kaabiga ku hayaan Villa Somalia.
MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 09, 2008
Dagaal culus oo u dhexeeyo Xoogaga gumaysi diidka ah iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa Goordhaw ka dilaacay xaafado katirsan degmooyinka Wardhiigleey iyo Xamar Jadiid oo kawada tirsan Gobalka Banaadir.
Dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar ayay Xoogaga wax iska caabinta Soomaaliyeed u adeegsanayaan hubka waaweyn oo ay kamid yihiin Madaafiicda waawayn, Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa iyana isticmalaayo Hubka culus oo uu kamid yahay BM-ka wax gumaado.
Xaafadaha Xararyaale iyo Tabeelaha Jacaylka ayay ka socdaan dagaalada ugu qaraar, Warar aan ka helnay goobaha ay dagaaladu kasocdaan ayaa sheegayo in Maleeshiyo katirsan Dowladda C/laahi yuusuf ay ku halaagsameen dagaalka, ilaa iyo hadda warar faah faahsan lagama hayo dagaalka waxaa lafilayaa in ay dagaaladu sii xoogaystaan.
Wixii kusoo kordha kalasoco Mudugnet.com
MudugNet News