Dabageed iyo oo wato Ciidamo Itoobiyaan ah oo Maanta gaaray Janta Kuundisho Gobalka Hiiraan iyo dhaq dhaqaaq Ciidan oo laga dareemay B/weyne
 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 09, 2008


Yuusuf Dabageed Gudoomiyihii Kooxda Mabagati u qaabilsanaa gobalka Hiiraan oo wato Ciidamo Tikree ah ayaa Maanta soo gaaray deegaanka Janta kuundisho oo 5 Km u jirto magaalada B/weyne xarunta Gobalka Hiiraan oo uu in mudda ah ka maqnaa kadib markii ay u awood sheegteen Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.
 
Wararka nagasoo gaarayo magaalada B/weyne ayaa sheegayo in cabsi balaaran ay kajirto B/weyne dadkuna ay kacabsi qabaan in uu dagaal dhaxmaro Dabgeed oo wato Itoobiyaan iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.
 
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaq Ciidan Maanta ka bilaabay magaalada B/weyne iyagoona u diyaar garoobay dagaal ay la galaan Maleeshiyada Dabageed iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya, gobalka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha laga xureeyay Tikreega iyo Maamul kusheega kooxda Gumaysiga u adeegto.
 
Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa weli la dhakafaarsan dagaalkii ay ku hoobteen ee dhawaan ka dhacay deegaanka Garisyaani halkaas oo lagu laayay Ciidamadamo katirsan Kuffaarta Tikreega oo u muuqdo kuwo ku jabay dagaalka Soomaaliya.

 

MudugNet News