Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Sakaa kasoo cararay magaalada Jowhar Sh/dhexe
 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, May 05, 2008


Wararka nagasoo gaarayo magaalada Jowhar xarunta Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegayo in Ciidamada Cadawga Itoobiya ay isaga bexeen magaalada Jowhar oo ay maalmihii lasoo dhaafay xoog ku joogeen.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa la sheeagy in ay saaka ka soo caraeen sh/dhexe kadib markii ay heleen Warar tilmaamayo in ay Weerar kusoo yihiin Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya oo aan ka fogay magaalada.

Wararka ayaa intaas raacinayo in Odayaasha iyo waxgaradaka magaalada Jowhar ay Itoobiyaanka u sheegeen in ayna sii joogi karin magaalada iyagoo aan rabitaan ka haysan Shacabka Soomaaliyeed ee kunool gobalka Sh/dhexe, Xalay Fiidkii ayaa la sheegay in magaalada Jowhar lagu arkay xoogaga katirsan Muqaawamada Soomaaliyeed taas oo baqdin gelisay Cadawga Itoobiya

 

 

 

MudugNet News