Shacabka Soomaaliyeed oo Dareen Cara leh ka muujiyay Dilkii Shahiid Macalin Aadan Ceyroow Mudaharaad ka dhacay degmada Jalalaqsi Gobalka Hiiraan.
MudugNet, Muqdisho. Jimce, May 02, 2008
Shacabka ku nool magaalooyinka waawayn ee Dalka Soomaaliya ayaa Maanta siweyn looga Hadal hayay Duqyntii Shalay lagu qaaday Magaalada Dhuusa Mareeb xarunta Gobalka G/gaduud halkaas oo ay ku Shahiideen Macalin Aadan Ceyroow iyo Dad rayid ah.
Masaajidyada waaweyn ee magaalooyinka Marka, Kismaayo iyo Jalalaqsi oo kakala tirsan Sh/hoose Jubbada hoose iyo Hiiraan, Shacabka kunool magaalooyinka aan soo sheegnay ayaa siweyn u cambaareeyay Gardarada ay gaysanayaan Dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya ku hayo Xadgudubyo xad dhaaf ah.
Culimaa'udiinka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Marka ayaa siweyn udiiday Weerada lagu hayo Duqaymaha iyo Gowraca xili ay dalka kasocdaan dagaalo gumaysi diid ah, magaalada Jalalaqsi oo katirsan Gobalka Hiiraan ayay Salaadii Jimcaha kadib isugusoo bexeen waxay Cod dheer ugu sheegeen Maraykanka iyo Itoobiya in ay joojiyaan Xasuuqa lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.
Dilkii Allaha U naxariistee Macalin Aadan Xaashi Cayroow ayaa Gil-Gilay geyiga Soomaaliyeed oo runtii u muuqdo Nin taageera xoogan ku lahaa Shacabka Soomaliyeed, Cayroow wuxuu ahaa Nin Gumaysi diid ah islamarkaana lahaa Go'aan aan marnaba u cuntami doonin Kuffaarta Tikreega iyo Maleeshiyada C/laahi yuusuf.
MudugNet News