
(Qofkastaa waa raaci ama
ilaaliye, qofkastana
Allaah-SWT baa kula
xisaabtami doona wixii
ilaaliye looga dhigay, waa
Xaddiis saxiix ah oo laga
wariyay Nebiga-SCW).
Waa xaqiiq in maamulka hadda
kajiraa Galmudug uu ku yara
tilaabsaday xoogaa horumar
ah oo xagga amniga, xiriirka
arrimaha dibadda iyo
canshuur uruurinta u badan.
Galmudug waxay kasoo hooysay
natiijooyin wanaagsan
xiriirka arrimaha dibadda
iyadoo ku heshay aqoonsi
caalami iyo mid goboleedba.
Taasi waxay keentay in
Galmudug si rasmiya loogu
casumo shirar caalami ah oo
looga hadlayay
dhibaatooyinka burcad
badeedka, xasilooni kusoo
celinta dalka Somalia iyo
sidii dowlad rasmiya loogu
dhisi lahaa dadka iyo dalka
Somalia.
Shirarkaas caalamigaa oo ay
Galmudug ka qaybgashay
aaraana ka dhiibatay waxay
ka kala dhaceen Nairobi,
London iyo Kampala. Sumcadda
iyo aqoonsiga heer caalami
ah oo ay heshay Galmudug
waxay keentay in Hay'ada
caalami ah oo ka shaqeeya
hawlaha samafalka ay soo
caga dhigtaan deegaanada
Galmudug. Hay'adaha iska soo
xaadiriyay Galmudug waxaa
kamid ah US/AID, Unesco,
UNDP, iwm. Hay'adahaan
samafalku waxay deegaanka ka
abuurayaan shaqooyin aad
loogu baahan yahay
islamarkaasna waxay
fulinayaan mashaariic
horumarineed iyo kobcinta
khoritaanka dhaqaalaha
Galmudug.
Xagga Amniga
Walow la isku dayay inla
nidaamiyo oo la xoojiyo
amniga, haddana sidii la
rabay uma hirgalin waana
arrimo salka ku haya dadka
oo aan lahayn toowfiiq
dhexdoodaa, biseyl
muhiimadda dowladnimo iyo
dhaqaale lagu bixiyo amniga.
Xalka amnigu waxaa weeye in
waxgaradku isku meel oga soo
wada jeestaan sidii loo
adkayn lahaa si horumar loo
hiigsado. Waxaa kaloo
dhabowday in hishiiskii
labada maamul Galmudug iyo
Puntland ay bishii April
2011 ku kula saxiixdeen
magaalada Garowe uu noqday
'dhadooy roob ku mooday' iyo
hal bacaad lagu lisay.
Sidii aan hore u
qoray, nabadda iyo talada
gobolka Mudug waxay ka
go'daa oo kaliya dadka isku
deegaanka ah ee Mudug.
Wadashaqaynta Hay'adaha
maamulka Galmudug
Sida ku cad wararka kasoo
baxaya Galmudug, ma haagsana
habsami u wada shaqaynta
xukuumadda iyo Golaha
barlamaanka, waana amuur ka
dhalanaysa maamul xumo jirta
oo u baahan in la saxo.
Xukuumaddu waxay u xilsaaran
tahay hawlaha la xiriira
fulinta hawl maalmeedka iyo
maamulka Galmudug,
barlamaankuna wuxuu u
xilsaaran yahay sharci
dajinta, doorashada madaxda
dowladda kolkii lagu
hishiiyo iyo ansixinta
golaha wasiirada marka uu
Madaxweynuhu soo magacaabo.
Hay'adda garsoorku iyadu
waxay dhowrtaa oo ilaalisaa
ku dhaqanka dastuurka u
degsan Galmudug iyo fulinta
hawlaha ku saabsan garsoorka
guud ee dalka. Xukuumaddu
waa in ay dhowrtaa karaamada
barlamaanka oo si dhow ula
shaqaysaa, barlamaankuna
sidoo kale waa in uu dhowraa
karaamada xukuumadda oo
uu si dhow ula shaqeeyaa.
Haddii Hay'ad waliba ay
hawsheeda qaran u gudato si
maamul wanaag ah oo
waafaqsan dastuurka iyo
xeerarka u degsan Galmudug,
waxba ma xumaadeen.
Gunaanad
Waa hubaal in Galmudug ay
horay u hinqatay. Waxaa
mararakan loo baahan yahay
in la sii xoojiyo, la dar
dar galiyo oo wadajir
garbaha looga qabto si
diifta iyo darxumada looga
baxo. Dowladi kuma dhisanto
dhowr sano ee waxaa loo
baahan yahay samir, dulqaad
iyo toowfiiq midnimo si
dowlad rasmiya dhidibada
loogu aaso. Sidoo kale
dowladi kuma shaqayn karto
dhaqaale la'aan iyo adigu
is-dabar, waana arrin u
baahan in dibad iyo gudaba
deg deg wax looga qabto si
dhaqaale fiican loogu heli
lahaa dowladda Galmudug inta
ay ka gaarayso isku
filnaasho. Waa in la
garwaaqsadaa in xal u
helidda arrimaha murugsan ee
Somalia ay wali durugsan
tahay loona baahan yahay in
la taabagaliyo Galmudug
dockastaba. Muran
siyaasadeed waxaa la oogaa
markii uu dan u yahay
ummadda balse haddii ay
dhibaato abuurayso lama
kiciyo masiibada. Waxaa
haboon in laga gudbo isqab
qabsiga siyaasadeed oo aan
cilmiga ku dhisneyn loona
gudbo wax qabad, iskaashi
iyo kala dambeyn iyadoo la
raacayo hannaanka
dastuurigaa ee dowladnimo.
Xukuumadda waxaa la gudboon
in ay kobciso hannaanka
dowladda(structural
development of the
government) islamarkaasna ay
muujiso wax qab iyo
hawlkarnimo dheeraad ah. Qof
walbow alle oga cabso xilka
aad haysid kana soo dhalaal
waajibka ku saaran.
Galmudug waxay u baahan
tahay dad si daacadnimo
ah ugu adeega ee uma baahna
dad ku qaraabta.
Waxaa Qoray: Hassan
S.A.Shirwa