Bulshada Ku
dhaqan Magaalada Galkacyo ee
Xarunta Galmudug State ayaa isku
diyaarinaya Dabaal Dega
Munaasabadda Ciidul Fidriga
Waxaana Dadweyanaha Galabta ay
Si Wada jir ah ugu Faraxeen
Aragtida Bisha Soonfur oo ay
Arkeen iyadoona Aragtid Bisha Si
weyn ugu dabaal degay
Maqribnimadii Caawa Magaalada
Waxaa Harqiyaya Rasaas Ubadan
Tareeso oo Cirka loo Ridayo
taasi oo dadku ay Ugu dabaal
Dagayaan Aragtida Bishad
Soonfurta ee Galabta Dhalatay.
Masaajidda
Magaalada ayaa Caawa Salaadda
Cishaha Kadib laga iclaamiyay
inay Bari oo jimce ah si
Wanaagsn loo Wada Ciidayo
waxaana Masaajidda laga Qaadayaa
Caawa Tabiirta Allaahu Akbar
AllaahuAkabar’
Culimada Qaar ayaa Maasajidda
ka iclamiyay in Bari lagu
tukanayo Barxadda Ciidaha &
Munaasabadaha ee Shekh ilka
Dahab Halka Qaar Culimada ka mid
ahna ay iclaamiyeen Masaajidda
Waa weyn ee Galkacyo in Salaadda
lagu Tukanayo Bari oo Jimce ah
Dhanka
Maamulka Gobolka Majiro Wax
iclaamin ah oo ku aadan
Munaasabadda Ciida ee bari oo ay
Waraabhinta Ka Sheegeen waxaana
taasi Badalkeeda Idaacadaha
Magaalada Galkacyo laga
Baahinayaa Caawa Heeso ku
Saabsan Ciidda.
Dhamaan
Bulshada Magaalada Galkacyo ayaa
Caawa iskugu Hanbalyaynaya
Farxadda Ciidul fidriga waxaana
ay dadku Caawaba Bilaabeen
Bixita Zakaatul fidriga oo
Raashinka Dadka Masaakiinta ah
lagu Quudinayo Si ay uga Qyab
qaataan Munaasabadda Ciidda
Dhamaan
Bulshada Galkacyo Bahada
Mudugnet waxay leeyihiin Ciid
Wanaasgan Waxaana
Aqristaayaasheena Sharafta Mudan
Meel Waliba ay joogaan leenahay
Ciid Wangssan Waxaan Idin Soo
Gudbin Dooonaa Warbxino& Sawiro
Ka Tarjumaya Sida ay udhacayaan
Munaasabadaha Ciida ee Ka
dhacaya Gaalkcyo Galmudug State
SOMalia.