Kulan Ay iskugu Yimaadeen
Ururura Waxbarashada ka
shaqeeya ee Deegaanada
Galmudug oo ka dhacay Xarunta
Jaamacadda Mudug University ee
Magaalada Gaalkacyo.
Daawo Sawirada
Ururadii waxbarashada ee
shirkaasi iskugu yimid ayaa kala
ahaa: -
Al-ixsaan, Samatariyah, Al-Mumin
iyo SOSDA kuwaasi oo dhamaantood
gacanta ku haya inta badan
waxbarashada ka jirta deegaanada
Galmudug.
Kulankan oo daba socday kulamo
dhowr ahaa oo ay wadayeesheen
ururadan aan kor ku soo xusnay
ayaa looga arinsanayay
horumarinta qaybaha kala duwan
ee waxbarasha, si gaar ah
hirgalinta jaamacada
( Mudug University ) ,
Ka
soo qaybgalayaasha shirka oo
iskugu jiray qaybaha kala duwan
ee bulshada sida: Culimada,
Ganacsatada, Aqoonyahanada,
Waxagaradka iyo Dhalinyarada
kuwaasi oo dhamaantood muhiimna
u ahaa mowduuca laga hadlayay
ayaa waxaa kadhexmuuqday
Sh.Cumar Xasan Cawaale (Awoowe, Sh.Muxyadiin Yuusuf Barre,
Sh.Nuurdiin Sh.Xasan Xuseen
Naaleeye, Sh.Cismaan Maxamed
Macalin, Dr: Maxamed Xaaji Ereg,
Ganacsade: Yuusuf Jaamac Ducaale,
Ganacsade: Cali-saciid Garaad
Nuur iyo xubno kale oo badan.
Gabagabadii kulan ka waxaa
halkaa looga dhawaaqay guddi ka
kooban 17 xubnood oo iskugu jira
dhamaan dhinacyada shirka ka
qaybgalay iyadoona howsha
gudigaa ay noqon doonto dardar
galinta howlaha waxbarashada
Galmudug si gaar ah dhaqaajinta
howlaha jaamacada ( Mudug
University ).
Dadka saadaaliya horumarka
Galmudug ayaa ku tilmaamay
kulankan in uu yahay guul
taariiqi ah oo ay gaareen
ururadan ka shaqeeya horumarinta
arimaha bulshada sigaar ah
waxbarashada.
Waxaa xusid mudan in deegaanada
Galmudug ay ku yaalaan in
kabadan 32 School kuwaasi oo ay
gacanta ku hayaan ururada aan
kor ku soo xusnay, marka laga
reebo 1 School kaas oo lagu
macaabo Al.SHACAB,
War
ay si wadajir ah u soo saareen
ururadaani ayaa lagu yiri :-
“waxaan taageernay oo aan soo
dhaweynaynaa dadaalada ay wadaan
aqoonyahanada reer Galmudug ee
ku kala nool dalka iyo dibadda
dadaalkaas oo ah furitaanka iyo
ka shaqaysiinta jaamacada (
Mudug University ), waxaana la
garab taaganahay maskax iyo maal”.
Gudiga
la magacaabay ayaa durbaba
yeeshay kulamo ay uga arin
sanayaan dhaqaajinta howlaha
jaamacada (Mudug University),
Wararka Naga
Soo Gaaraya Magaalada Hobyo ee
Gobolka Hobyo Ayaa Xaqiijinaya
in Fiidnimadii Caawa Dagaal Mudo
Kooban Socday uu ku dhex Maray
Maleeshiyaad ka tirsan Kooxaha
Buracad Badeeda Soomaalidda ee
ku Suagn Magaalada Hobyo
Inta la
Xaiijiyay ilaa Sadex ruux ayaa
ku dhaawacantay Shaqaqada
Dgaalka ah ee Caawa Hobyo ka
dhacday Waxaana dadka dhaawacmay
ay dhamantood ka tirsan yihiin
Kooxaha Buracad Badeeda ee
Dagaalka uu dhex Maray labo Ka
mid ah ayaa dhaawacooda yahay
mid liita oo mid kood uu Gaari
Maray Waxaana loo Soo Qaaday
dhanka Magaalada Gaalkacyo
Sidoo Kale
Mid ka mid ah dhaawacyada ayaa
fudud oo lagu dabiibayaa MCH-ka
Magaalada Hobyo,Goob joogyaal ku
Sugan Magaalada Hobyo ayaa
Mudugnet.com ay la Xariitay
waxayna sheegeen in Dagaalka uu
Ka bilawday Muran dhex Maray
Kooxaha Buracad Badeeda ah oo
ay Xurguf Hore ka dhaxaysay Sida
la sheegayo Walaw aan Si dhab ah
loo Xaqiijin Karin.
Qaar Ka
tirsan Hor joogyaasha Buracad
Badeeda Hobyo ku suagn oo Sidoo
kale noo Suurta Gashay inaan la
Xariirno waxay Sheegeen in
Dagaalka uu jiro dhaawacna uu ka
dhasahay faah faahin dheerna
aysan ka bixin Karin
Ilo Ka Madax
Banaan Koxaha Buracad Badeed ah
ayaa Sheegaya in Dgaalka uu
Xiisad Ka Abuuray Hobyo Hadana
ay yara degan tahay Xaaladda
Magaalada Hobyo Wax Garadka
Magaalada ayaa la sheegayaa inay
Dhex dhexaadin ugu istaageen
Xiisadda ka oogan Hobyo
Magaalada
Hobyo ayaa todobaadkan waxaa ku
sii qul qulayay Kooxaha Buracad
Badeeda oo Wata Gawaari aad
ufarabadan iyo Hub waxaana
Arintan ay tahay Mid timid kadib
Markii la sheegay in la si
daynayo Markabka ku xiran Hobyo
ee K/Kuuriya oo lagu heshiisyay
Lacagta Madax furashada ah ee
Burcad Badeeda Haysata ay ka
doonayaan Shirkadda Iyo Dawladda
iska leh Markabka
Waxaa
Magaalada Buux dhaafiyay
Saacadihii ugu danbeeyay
Kooxaha Buracad Badeeda oo aad
u hubaysan iyo dadweyne kale oo
shaxaad u doontay Shalay Ayay
ahayd Markii Mid ka mid ah
kooxaha Buracad Babdeeda uu
dhaawc ka soo Gaaray kooxo Xabado
isku furay Gudaha Magaalada
Hobyo Wxaana dhaawaciisa lagu
dabiibayaa Xarumaha Caafimaadka
Magaalada Gaalkacyo