Mudugnet, Gaalkacyo, Khamiis, 9ka September, 2010.

Wararkii Galabnimo

 

Xaaaladda Magaalada Hobyo oo Maanta Degan kadib  Shaqaaqo Xalay Ka dhacday

 

Magaalo Xeebeedka Hobyo oo Xalay Fiidkii ay Ka dhacday Shaqaaqo Kooban oo ay dad ku dhaawacmeen ayaa Maanta Degan Sida Mudugnet ay u sheegeen Wax Garadka Hobyo oo la soo Xariiray Waxaana lagu jiraa dhamaynta Xiisaddii Xalay Deeganka ka dhacday ee Sababtay Dhaawaca ilaa 3ruux oo Burcad Badeeda is rasaa saysay ah

 

“Waxaa Xalinta Arintan u taagan Mamulka Degmada Hobyo ee Galmudug State Wax Garadka iyo Qayabah Kala duwan ee Bulshada Magaalada Hobyo oo Xaalddeeda hadda ay degan tahay” Ayuu Yiri Mid ka mid ah Odyaasha Dahqanka Hobyo aan Duhurnimadii Maanta aan Qadka Teleefonka Mobilka kuwada Hadalnay  

 

Dhanka kale ilaa 2ruux oo ku dhaawacmay Shaqaaqdii Xalay Hobyo ka dhacday ayaa la Soo Gaarsiiyay Aroortii hore ee Saakay isbitalka Weyn ee Magaalada Gaalkacyo Sida ay dhaqaatiirta isbitalka Mudugnet.com u sheegen Xaaladda Ragaas Dhaawaca ah ayaa ah Mid Wanaasgan.

 


 

Dibad Bax looga Soo Horjeedo Catholic Maraykan ah oo Ku baaqay in la Gubo Kitaabka Qur’aanka Ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo ee Galmudug State

 

Isku Soo bax ay Soo Qaban Qaabiyeen Ururada dhalinyarada GalMudug State ahaana mid aan Horay loo shaacin isla markaana  looga soo Horjeeday Hadal kasoo yeeray Nin ka tirsan Kaniisadaha wadanka Markaynka ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Galkacyo Waxaana ka soo qayb Galay Boqolaal Dadweyne iskugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada Galudug State oo ka dhiidhiyay hadalka ninkaas ka soo yeeray ee ah in Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah  lag ubo Marka lagaaro 11September, oo ku beegan markii la qarxiyay daarihii Mataanaha ahaa ee Wadank Maraykanka

 

Isku soo Baxyaasha Waxay Socod dheer ku Mareen Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Galkacyo iyagoo ku qaylinayay Erayo ay kaga soo Horjeedaan hadalada ka soo yeeray  Ninkaasi Gaalka ah iyo Aflagaada Kitaabka Qur’aanka uu Ugaystay

 

Mas’uliyin ka tirsan Galmudug oo Goor danbe ka soo qayb Galay ayaa isku soo baxa  ayaa dadka la hadlay kuna bogaadiyay sida ay udifaacyaan kitaabka Qur’aanak kariimka IYO Diinteena Muqadaska ah  waxaana lagu wadaa in Dibad baxa uu socdo ilaa Mudo Sadex Cisho ah Sida ay sheegn Dhalinyarada Galmudug ee Soo Qaban Qaabiyay.

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

GalMudug SOMalia