Mudugnet, Gaalkacyo, Khamiis, 9ka September, 2010


Mas'uul Ka Tirsan jaamacada (Mudug University), Qaybteeda Caafimaadka Mr. Xasan Cali Gurey oo Maanta Airport-ka Galkacyo ka Soo Degay.

Daawo Sawirada

Diyaaradii siday mas’uulkan katirsan jaamacada ( Mudug University ), ayaa soo cagadhigatay 2dii huhurnimo xiliga geeska Afrika, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, Culimo-owdiin, dhalinyaro iyo ururada waxbashada gobalka. iyo gudoomiyaha golaha Galmudug Hiiraan Relationship Development commitee mudane Mahamed Huseen Olow.

Hogaanka kuliyada caafimaadka ahna madaxa xiirka dibadda jaamacada  (Mudug University ), mudane Xasan Cali Gurey oo hadal kooban saxaafada kusiiyay gudaha garoonka ayaa u mahad celiyay masuuliyiintii iyo dad weynihii soo dhaweeyay wuxuuna carabka ku dhuftay in uu halkan u yimid sidii loo dhaqaajin lahaa howlaha jaamacada.

Hadalkaasi kooban kadib Xassan Cali Gurey iyo masuuliyiintii soo dhaweysay  waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka iyo xarunta jaamacada           ( Mudug University ), oo ay siwadajir ah u soo kormeereen.

Intaasi kadib waxaa loosoo galbiyay hotelka caalimiga ah Embassy ee magaalada Gaalkacyo. Waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulamo laqaato qaybaha kaladuwan ee bulshada, haba ugu muhiimsanaaadeen qayta waxbarashada.

Aqrista yaasha sharafta leh ee daneeya horumarka Galmudug waxaan u balan qaadaynaa in in aan lasocodsiino hadba meesha ay waxmarayaan  INSHA ALLAH .

 

Maxamed C/laahi Cali

Amiin4me@hotmail.com

Galkacyo-Galmudug state-Somalia]