Mudugnet, Gaalkacyo, Arbaco, 8da September, 2010


Saraakiisha Galmudug oo sheegay in La Xukumay Eedaysanyaal ku jiray Xabsiga Dhexe Magaalda Gaalakcyo ee Galmuudg State

Afhayeenka Guud ee Ciidamada Dawlad Goboleedka Galmuudg Nuur Xasan Xuseen Nuur Ganey oo Caawa Qadka Telfonka  Ugu Waramay Warbaahinta Mudugnet.com ee Waxa uu Sheegay in Maanta la Xukumay Eedaysanyaal ku jiray Xabsiga dhexe Magaalada Gaalkacyo ee GalMudug State

 

“Eedaysanyaashaan oo ilaa Sagaal ruux ah waxay ku Eedaysnaayen in ay jid Gooyo dhigteen wada Laamiga ah ee  isku Xirta Gaalkacyo iyo Galinsoor Waxayna Mudo Todobaad ah ku jireen Xabiga Dhexe ee Galkacyo Galmuudg Ciidmada Waxay leeyihiin Maxkamad ugaar ah oo lagu Xukumo Eedaysanayaasha  Waxaa M aanta Xunukooda uu ka dhcay Xarunta Xabsiga Dhexe ee Galkacyo Waxaana Goob Jooga ahaa Saraakiisha Ugu Saraysa Ciidamada  Xeer ilalaiyaasha iyo  Ehelada dadkan iyo dad ay ka furteen Alaabo oo rakaab ahaa Waxaana lagu Xukumay Xukuno kala duwan Waxaana Badankood lagu Xukumay Xariga Sanad ah ayuu yiri” Nuur Ganey Afhayeenka Ciidmada Galmuudg State

 

Afhayeenka Waxaa dhanka kale uu sheegay in Mar Waliba ay u taagan yihiin Ugaarsiga Kooxaaha falalka Amaan darida ka Wada Deegaanada Galmudug Waxa uu sheegay in ay hadda Xabsiga ku jiraan dad ku eedaysan eedaymo dil ah oo uu ugu danbeeyay Nin  Shalay nin Rayid ah ku dilay Gudaha Magaalada Gaalkacyo Qaybaha Bulshada ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Dawlad Goboleedka Galmudug State

 

Cabdalla Max’d C/lle
 



Kulan looga Hadlay Taakulaynta Barkacyaasha oo Mas’uliyiinta Galmudug iyo Xubno Ka Socday UNHCR ku dhex Maray Madaxtooyada Gaalkacyo

 

 

Xarunta Madaxtooyada Magaalada Gaalkcayo ee Galmudug Waxaa Galabta lagau Qabatay Kulan ay ka qayb Galeen Mas’uliyin ka tirsan Golah Wasiirada Barlamanka Madxweynaha Galmuudg Col. Caalin ayaa isna Kulanka Goob joog ka ahaa kulanka oo ahaa mid ay Albaabada uxirnaayene waxaa ka qayb galay Wakiilo Ka Socda Hay’aadda  QM  uqaabislan Qaxootiga ee UNHCR

Kulanka  oo aysan Saxaafadda ka Qayab Galin waxaa Caawa Mudugnet Uga Wrbixiyay Xubno ka tirsan Ka qayb Galyaasha Kulanka Madaxtooyada  waxaySheegen  in kulanka uu ahaaa mid diiradda lagu Saaray Sidii loo Caawin lahaa dadka Barkacyaasha ee  ku Sugan Magaalada Galkacyo ee Xarunta Galmudug State

 

Waxaa kulanka la iskula soo qaaday Sidi loo Caawin lahaa  dadka Barkacyaasha oo Badankood dhanka Colaadaha Xamar ka soo qaxay waxay Mas’uliyiinta UNHCR Balan Qaadeen in ay taakulaynt Barkacyaasha  ku Sugan Dhamaanba Deegaanka   Dawlad Goboleedka Galmudug State

 

Kulanka looga Hadalay Wax uqabashada Barakacyaasha Galmuudg ku Sugan  waxa uu ku soo Beegmayaa Xili Kumanaan Qaxooti ah ay ku sugan yihiin Xero  Magaalad Gaalkcayo ay ka Deganyihiin  Waxaana Badankood Ka Soo Carareen Dagaalada aan Hakadka Lahayn ee ka socda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Cabdalla Max’d C/lle

 

Mudugnet Gaalkacyo