Bahda Sports-ka Galmdug oo Soo
Bandhigay Baahida Garoonka
Kubadda Cagta C/laahi Ciise
Stadium Gaalkacyo Galmudug State
ka
Daawo Sawirada oo Dhan halka ugu
hoosyso Bogaan
Munaasabad ay
Soo Abaabuleen Dhalinyarada
Sports-ka Dawlad Goboleedka
Galmudug ayaa Galabta lagu
qabtay Fagaaraha Ciyaaraha
Garoonka C/laahi Ciise Magaalad
Galkacyo ee Galmudug State
Munaasabadda
oo ay ka soo qayb Galeen
Mas’uliyiin Ka tirsan Galmudug
Aqoon yahano, Jaaliyadda
Dibaddda iyo Dadweyne Kale waxaa
Ugu Horayntii Bhada Sports-ka
Galmudug Soo Bandhigeen Ciyaaro
laba kooxood oo ka tirsan
Naadiyada Galmudug dhex Martay
taasi oo Socotay Mudo Saacad ah
kadib Waxaa Munaasabadda ka
hadlay qaar ka tirsan dhinyarada
oo faah Faah Faahiyay ujeedka
Munaasabadda oo ay ku sheegeen
Ka qayb qaadashada Dhismaha
Garoonka C/laahi Ciise Stadium
Soo dhaweynta Jaaliyadda dibadda
iyo Sido kale Hal ku dhigyo kale
oo ay Boorarka ku qoreen
dhalinyarada waxaana u hadalay
C/raxmaan Cali Geedi Cadde oo
Sheegay in ay jirto Baahi badan
oo haysta Garoonka taasi oo ay
ugu horayso in la dhiso darbi
weyn oo Garoonk lagu Wareejiyo
Sidoo kalana ay tahay in qalabka
Garoonk ubaahanyahay loo Sameeyo
waxa uu sheegay in ay jirto
dhibaatooyin kale oo ay ka mid
yihiin dadka dariska la ah
Garoonka oo mar waliba iyagu
Xayndaabka Garoonka ku soo
dhawaada oo Cabiro ka Samaysta
Maadaama uusan lahayn darbi
wareeg ah Garoonka waxay
dhalinyarada ay Cabasho ka
muujiyeen arimo ay ka mid tahay
Kooxaha Burcad Badeeda oo si
nadaam la’aan ah waqtiyada
Ciyaaraha Socdaan ku soo mara
Gudaha Garoonka iygoo Gawaari
Wata iyo waliba dad kale oo
hubaysan oo usoo daawasho taga
Garoonka waxayna sheegeen in
taasi ay Cabsi ku beeri karto
Ciyaartoyda qaar Deegaanad
dariska la ah Galmudug uga
yimaada inay Garoonka uga qayb
qaatan Ciyaaraha ka socda.
Dhalinyrada
waxay ka Codsandeen Ciidmada
Nabd Galyada Galmudug inay
dhanka Amaanka Garoonka xil weyn
iska Saaraan qaybaha kala duwan
ee Galmudug ayay Ugu baaqeen Ka
Qayb qaadashada Groonka Kubadda
Cagta C/laahi Ciise Stadium.
Waxaa
Munaasadbada ka hadlay Wasiirka
Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed
Max’d Xaashi oo sheegay in
Maamul ahaan ay qayab ka qaadan
doonaan halwaha lagu hormarinayo
Groonka iyo Walibana Amaankiisa
Wasiirka Gancsiga & Warshadaha
Dawlad Goboleedka Galmudug
Saadaq daahir Mire iyo Prf.C /Qaadir
Shirwac Madaxa Jaamacadda
Galkacyo University {GU} Kana
mid ah Jaaliyadda Dibadda
Xubnaha Ka Socday Hadalo ay
jeediyeen waxay sheegen in inay
u itaagayaan Mamaul ahaan iyo
Jaaliyad ahaanba Dhismaha
Garoonka C/laahi Ciise Stadium
Galkacyo Galmudug Somaaliya.
Cabdalla Max’d C/lle
Mudugnet Galkacyo
Galmudug State SOMalia
Diyaar
Gorawga Ciidul Fidriga oo laga
Dareemayo Magaalada Gaalkacyo ee
Galmuudg State
Iyadoo Maalmo
kooban ay naga xigto Ciidul
Fidriga dhmaadka Bisha Brakaysan
ee Ramadaanka Waxaa Magaalada
Galkacyo ee Xarunta Galmudug
State Si weyn looga dareemayaa
udiyaar Garowga Ciidda Fidriga
Waxaana Suuqyada Galkacyo Xiliga
Maalintii ah ka jira Mashquul
badan oo ay dadku Ciidda ugu
diyaar Garoobayaan Waxaana Si
Gaar ah Caruurta yar yar iyo
dadka waa weyn ay u iibsanyaan
dharka Ciida Sidoo kale Goobaha
Raashinka waxaa laga iibsanayaa
Raashinka lagu bixiyo Fidrada oo
qof waliba waajib ku ah
Ramdaanka marka uu dhamaado inuu
Masaakiinta Quudiyo.
Xawaaladaha
Gaalkacyo Waxaa dadku ay ka
qaadanayaan lacago ay usoo
dirayaaan Ehelada dibadda u
jirta oo kala qayb qaadanaya
Maalinta farxadda leh ee Ciiddul
fidriga oo nagu soo wajahan
waxaana dadku ay yihiin kuwo
Biishan Ramdaanka u taagan
Cibaadada Allaah waxayna
Masaajidda Galakcyo ku oogayana
Salaadaha Taraawiixda iyo tan
Tahajudkaba oo ay si weyn Ugu
taagan yihiin.