Kulan Ay iskugu Yimaadeen
Ururura Waxbarashada ka
shaqeeya ee Deegaanada
Galmudug oo ka dhacay Xarunta
Jaamacadda Mudug University ee
Magaalada Gaalkacyo.
Daawo Sawirada
Ururadii waxbarashada ee
shirkaasi iskugu yimid ayaa kala
ahaa: -
Al-ixsaan, Samatariyah, Al-Mumin
iyo SOSDA kuwaasi oo dhamaantood
gacanta ku haya inta badan
waxbarashada ka jirta deegaanada
Galmudug.
Kulankan oo daba socday kulamo
dhowr ahaa oo ay wadayeesheen
ururadan aan kor ku soo xusnay
ayaa looga arinsanayay
horumarinta qaybaha kala duwan
ee waxbarasha, si gaar ah
hirgalinta jaamacada
( Mudug University ) ,
Ka
soo qaybgalayaasha shirka oo
iskugu jiray qaybaha kala duwan
ee bulshada sida: Culimada,
Ganacsatada, Aqoonyahanada,
Waxagaradka iyo Dhalinyarada
kuwaasi oo dhamaantood muhiimna
u ahaa mowduuca laga hadlayay
ayaa waxaa kadhexmuuqday
Sh.Cumar Xasan Cawaale (Awoowe, Sh.Muxyadiin Yuusuf Barre,
Sh.Nuurdiin Sh.Xasan Xuseen
Naaleeye, Sh.Cismaan Maxamed
Macalin, Dr: Maxamed Xaaji Ereg,
Ganacsade: Yuusuf Jaamac Ducaale,
Ganacsade: Cali-saciid Garaad
Nuur iyo xubno kale oo badan.
Gabagabadii kulan ka waxaa
halkaa looga dhawaaqay guddi ka
kooban 17 xubnood oo iskugu jira
dhamaan dhinacyada shirka ka
qaybgalay iyadoona howsha
gudigaa ay noqon doonto dardar
galinta howlaha waxbarashada
Galmudug si gaar ah dhaqaajinta
howlaha jaamacada ( Mudug
University ).
Dadka saadaaliya horumarka
Galmudug ayaa ku tilmaamay
kulankan in uu yahay guul
taariiqi ah oo ay gaareen
ururadan ka shaqeeya horumarinta
arimaha bulshada sigaar ah
waxbarashada.
Waxaa xusid mudan in deegaanada
Galmudug ay ku yaalaan in
kabadan 32 School kuwaasi oo ay
gacanta ku hayaan ururada aan
kor ku soo xusnay, marka laga
reebo 1 School kaas oo lagu
macaabo Al.SHACAB,
War
ay si wadajir ah u soo saareen
ururadaani ayaa lagu yiri :-
“waxaan taageernay oo aan soo
dhaweynaynaa dadaalada ay wadaan
aqoonyahanada reer Galmudug ee
ku kala nool dalka iyo dibadda
dadaalkaas oo ah furitaanka iyo
ka shaqaysiinta jaamacada (
Mudug University ), waxaana la
garab taaganahay maskax iyo maal”.
Gudiga
la magacaabay ayaa durbaba
yeeshay kulamo ay uga arin
sanayaan dhaqaajinta howlaha
jaamacada (Mudug University),