Ururka Hor’umarinta Haweenka Bandiiradley oo laga Hi Galiyay Degmada Bandiradley ee Galmudug State

Daawo Sawirada

MudugNet, Muqdisho, Isniin, 26ka Luulyo, 2010.
 
Degmada Bandiiradley Gobolka Mudug ee Galmudug State ayaa Marii Ugu Horaysan laga hir Galiayay Urur Haween oo deegankiis si toos ah Uga hiragali doona Waxaan Munaasabad lagu furayay xaafiiska Ururka laguqabatay isla xarunta Ururkaasi ee degmada Bandiiradley iyadoona Magaca Uururka Yahay Ururka Horumarinta Haweenka Bandiiradley  Bandiiradley{Women Development Organization(BAWDO)

Munaasabadda Furitaanka oo ay ka soo qayb Galeen Mamaulka Degmada qayabha Bulshada deeganka iyo Xubno Ururda Bulshada ah oo ka Socday Galkacyo waxaa sidoo akle lagu Casumay Bahda Saxaafadda waxaan Ugu Horayn ka hadalay  Gudoomiayah Golaha Fulinta Ururka Haweenka Bandiirdaley Marwo Farxiyo Max’ud Muraadayste waxayan sheegtay in dhismaha Ururka uu uu ku yimid Baahi badan oo deeganka ka jirata

“Kadib markii la arkay dhibaatada maharaanka noqotay ee ku habsatay Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul ee Degaanka Bandiiradley, siiba Haweenka iyo Carruurta.

lana yaqiinsaday in aysan soo muuqan ifafaale leh yididiilo dhalasho Dawlad Soomaaliyeed, oo bulshada ka saari karta ciqaabta ay ku abaaday.

Ka dib markii la xaqiijiyey in Bulshadii dalka uu ragaadiyey faqri, jahli iyo caafimaad xumo joogto ah.

Ayaa si wax looga qabta dhibaatooyinkaas aadka u culus intii suurto gal ah, waxay bulshada ku nool Degmada Bandiiradley, gaar ahaan Haweenka waxay go’aansadeen in ay is-abaabulaan oo ay samaystaan Urur mideeya oo danahooda kala duwan la tacaala sidii uu wax uga qaban lahaa intii uu kari karo.

Waxaana si rasmi ah looga dhisay Degmada Bandiiradley ee Gobolka Mudug ee Galmudug , Urur haween oo la magac baxay Ururka Horumarinta Haweenka Bandiiradley

Bandiradley Women Development Organization(BAWDO) ayay Tiri Gudoomiayah Golaha Fulinta Ururka Marwo Farxiyo Max’ud Muraadaystae oo sidoo kale sharaxaad ka bixisay Ujeedada Dhisma Ururka oo ay ku sheegtay

-        In uu abaabulo ururinta iyo midaynta xubnaha Haweenka Degmada Bandiiradley.

-        In uu abaabulo midaynta talada iyo tabarta xubnaha Haweenka Degmada.

-        In uu u hawlgalo horumarinta xaaladaha guud ee  xubnaha iyo qoysaska Haweenka Degmada.

-        In uu gacan ka geysto horumarinta xaaladaha haweenka xagga dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bulshada.

-        In uu gacan ka geysto xaqiijinta xasilloonida iyo amaanka Degmada iyo tan Gobolka intaba.

-        Taakulaynta iyo daryeelka dadka nugul sida qaxootiga, barakacayaasha, agoonta, curyaamiinta iyo dhamaan masaakiinta.

-        Inuu u hawlgalo abuuridda iyo hirgelinta qoysas iyo bulsho ku dhisan wax-wada-qabsi, is-jacayl, iyo midnimo.

-        Inuu ku dadaalo hirgelinta iyo meelmarinta dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed cadaaladda iyo sinnaanta bulshada dhexdeeda iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

-        Inuu bulshada degaanka kala dagaallamo dhaqamada xun xun sida qabiilka,tuugada, afduubka iyo kufsiga, guurka aan munaasabka ahayn. Gudniinka fircooniga, tacadiyada ku salaysan jinsiga iwm.

-        Inuu balaariyo xiriirka sokeeye iyo kan caalamiga ee ku dhisan is-tixgelinta iyo wax-is-dhaafiga saaxiibtinimo ee dalka iyo dunidaba.

-        Inuu Soomaalida iyo Caalamkaba u jeediyo baaq taakuleyn iyo iskaashi, si horumar loo gaarsiiyo Bulshada Degaanka Bndiiradley.

-        Inuu xiriiro kala duwan la sameeyo  Dawlad-goboleedka Galmudug. Dawladda Federaalka(TFG)Ururrada Samafalka  Dalka iyo kuwa Caalamiga, Hay’adaha UNka iyo dhamaan bulshooyinka caalamka ee jecel horumarka aadamaha, si loo helo          waddo wax looga qaban karo ama loo yareyn karo xanuunka iyo daryeelxumada haysata bulshada danyarta ah ee Degmada Bndiiradley iyo Gobolka intaba..iwm.

Waxaa sidoo kale munaasabdda furitanka Ururka ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Bandiiradley C/risaaq Axmed Jaamc oo soo dhaweeyay ku dhawaaqista Ururka Haweenka Bandiirdaley oo uu sheegay inuu si wanagsan Mamaulka degmada ula sahqayn doono inta karaankiisa ah

Mas’uliyintii Xafaladda ururka xaafiiskiisa lagu furay ka hadalay  waxaa ka mid ahaa Macalin Salaad Cali Mire oo ka mid ah Culimo U diinka Degmada

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Deeqo Cabdulle Diini

Xoghayaha Ururka Faadumo Warsame Wardheere
Daahir Yaasin oo ka socday Ururka Bisha Cas Xaruntiisa Galkacyo Gudoomiyha Ururka Haweenka Hoseed Yurub Muxiyadiin Sheekh Cali, Guoomiyaha Ururka Sawdo Saciido Max’ud Xirsi
Xriiriyaha Dibadda Ururada Horseed &S awdo  Nuuro Faarax Kaarshe waxayan dhamaanaba soo dhaweeyen Dhismaha Ururka Haweenka Degmada Bandiiradley

Ugu Danbayntii Waxaa Saxaafadda loo qaybiyayay Qoraal Ducement Dhismaha Ururka Haweenka Bandiiradley ah oo qoran Sidan:

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

                        DAWLAD-GOBOLEEDKA GALMUDUG                     1

DEGMADA BANDIIRADLEY

Ururka Horumarinta Haweenka Bandiiradley

                                                                                                                 Date 10/05/2010

DHISMAHA  URURKA HORUMARINTA HAWEENKA  BANDIIRADLEY

   Ka dib markii la arkay dhibaatada maharaanka noqotay ee ku habsatay Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul ee Degaanka Bandiiradley, siiba Haweenka iyo Carruurta.

   Ka dib markii la yaqiinsaday in aysan soo muuqan ifafaale leh yididiilo dhalasho Dawlad Soomaaliyeed, oo bulshada ka saari karta ciqaabta ay ku abaaday.

  Ka dib markii la xaqiijiyey in Bulshadii dalka uu ragaadiyey faqri, jahli iyo caafimaad xumo joogto ah.

   Ayaa si wax looga qabta dhibaatooyinkaas aadka u culus intii suurto gal ah, waxay bulshada ku nool Degmada Bandiiradley, gaar ahaan Haweenka waxay go’aansadeen in ay is-abaabulaan oo ay samaystaan Urur mideeya oo danahooda kala duwan la tacaala sidii uu wax uga qaban lahaa intii uu kari karo.

   Sidaas darted, ayaa waxaa si rasmi ah looga dhisay Degmada Bandiiradley ee Gobolka Mudug, Urur haween oo la magac baxay Ururka Horumarinta Haweenka Bandiiradley

Bandiradley Women Development Organization(BAWDO)

 Ujeeddada dhismaha Ururka:-
 
-          In uu abaabulo ururinta iyo midaynta xubnaha Haweenka Degmada Bandiiradley.

-          In uu abaabulo midaynta talada iyo tabarta xubnaha Haweenka Degmada.

-          In uu u hawlgalo horumarinta xaaladaha guud ee  xubnaha iyo qoysaska Haweenka Degmada.

-          In uu gacan ka geysto horumarinta xaaladaha haweenka xagga dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bulshada.

-          In uu gacan ka geysto xaqiijinta xasilloonida iyo amaanka Degmada iyo tan Gobolka intaba.

-          Taakulaynta iyo daryeelka dadka nugul sida qaxootiga, barakacayaasha, agoonta, curyaamiinta iyo dhamaan masaakiinta.

-          Inuu u hawlgalo abuuridda iyo hirgelinta qoysas iyo bulsho ku dhisan wax-wada-qabsi, is-jacayl, iyo midnimo.

-          Inuu ku dadaalo hirgelinta iyo meelmarinta dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed cadaaladda iyo sinnaanta bulshada dhexdeeda iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

-          Inuu bulshada degaanka kala dagaallamo dhaqamada xun xun sida qabiilka,tuugada, afduubka iyo kufsiga, guurka aan munaasabka ahayn. Gudniinka fircooniga, tacadiyada ku salaysan jinsiga iwm.

-          Inuu balaariyo xiriirka sokeeye iyo kan caalamiga ee ku dhisan is-tixgelinta iyo wax-is-dhaafiga saaxiibtinimo ee dalka iyo dunidaba.

-          Inuu Soomaalida iyo Caalamkaba u jeediyo baaq taakuleyn iyo iskaashi, si horumar loo gaarsiiyo Bulshada Degaanka Bndiiradley.

-          Inuu xiriiro kala duwan la sameeyo  Dawlad-goboleedka Galmudug. Dawladda Federaalka(TFG)Ururrada Samafalka  Dalka iyo kuwa Caalamiga, Hay’adaha UNka iyo dhamaan bulshooyinka caalamka ee jecel horumarka aadamaha, si loo helo waddo wax looga qaban karo ama loo yareyn karo xanuunka iyo daryeelxumada haysata bulshada danyarta ah ee Degmada Bndiiradley iyo Gobolka intaba..iwm.

-           

Himilada Ururka :-
 
   Himilada  Ururka Horumarinta Haweenka Bandiiradley waa sida hoos ku qoran:
 
-          Ka samatabixinta Haweenka iyo Qoysaska Degmada Bandiiradley xaaladaha amaanxumo ee ay ku jiraan iyo gaarsiinta jawi nabdoon oo la isku hallayn karo.

-          Kor u qaadidda caafimaadka iyo fayo-dhowrka  haweenka iyo carruurta bulshada Degmada Bandiiradley..

-          La dagaallanka iyo tirtiridda aqoon la’aanta Haweenka iyo da’yarta Degmada.

-          Tirtiridda saboolnimada iyo faqriga haweenka iyo abuuridda qoysas haysta nolol sugan iyo dhaqaale dabooli kara baahidooda maalinlaha ah.

-          Abuuridda bulsho ku dhisan aqoon, iyo farsamo shaqo, iyo maamul wanaag ku qotoma danta guud iyo maslaxadda caamka ah..
 
Habka hawlgalka Ururka
 
      Ururka Horumarinta Haweenka Bandiiradley wuxuu u hawlgalayaa habka hoos ku qoran:                                         2

-          Wuxuu si dhaqso ah u abaabulayaa dhamaan xubnaha haweenka ku nool Degmada Bandiiradley, asagoo qabanaya shirar isdabajoog ah oo xilliyaysan oo lagu xaqiijinayo habsami u hawlgalka Ururka iyo gaarista hadafkiisa suuban.

-          Wuxuu wacigelin iyo aqoon kororsi xagga dhismaha iyo hawlgalka Ururrada bulshada siinayaa dhamaan xubnaha haweenka Degmada, gaar ahaan Hay’adaha Hogaaminta Ururka.

-          Wuxuu abuurayaa khasnad dhaqaale oo lagu fuliyo hawlaha Ururka, laguna hormariyo bulshada uu matalayo Ururku.

-          Wuxuu xiriir deg deg ah la samaynayaa deeq bixiyayaasha gudaha iyo dibeda intii suurto gal ah.

-          Wuxuu tallaabo cad oo deg deg ah ka qaadayaa horumarinta aqoonta iyo caafimaadka haweenka iyo carruurta Degmada asagoo la kaashanaya hay’adaha ku hawlan fulinta hawlahaas.

-          Wuxuu u hawlgalayaa dhismaha xarumo waxbarasho iyo caafimaad ee lagu fuliyo daryeelka haweenka iyo carruurta Degmada Bandiirtadley iyo degaannada la deriska ah.

-          Wuxuu si deg deg ah u qabanayaa shirar iyo kulammo lagu dardar gelinayo sugidda iyo taabbagelinta ammaanka degaanka Degmada.

-          Dhammaan hawlahaas u qorshaysan Ururka Horumarinta Haweenka Degmada Bandiiradley.ee ku aadan horumarinta Bulshada Degmada, wuxuu kala kaashanayaa Hay’adaha iyo dhinacyada ay khuseeyaan.

Habka Dhismaha Ururka:
 
     Ururka Horumarinta Haweenka Degmada Bandiiradley, wuxuu ka kooban yahay laba hay’adood oo kala ah:-

b) Golaha dhexe, oo ka kooban  19 xubnood oo kala ah:
 
1-   Farxiyo Maxamuud Jimcaale

2-   Deeqo Cbdille Diini

3-   Faadumo Warsame Wardheere

4-   Xiddo Kaytoon Cawaale

5-   Deeqo Farey Calinuur

6-   Sahro Axmada Aadan

7-   Caasho Cumar Isxaaq

8-   Foos Kadawo Geelle

9-Xabiibo Shiikhdoon                                                               3

10-Shukri Cabdulle Guure                                                     4

11-Deeqo M. Axmad

12- Farxiyo Muuse Warsame

13-Xalwo Xaashi Diiriye

14-Xamdi Maxamuud Kaynaan

15-Sahro Sandheere Colaad

16-Astaahil Jaamac Taawil

17-Caasho Xaashi Shiddo

18-Shawo Shiikh Xaashi Cabdi

19-Nasteexo Nuur Dhoorre

t) Golaha Fulinta  oo ka kooban 7 xubnood oo kala ah:-
 
1- Farxiyo Maxamuud Jimcaale....…………….Guddoomiye

2- Deeqo Cabdulle Diini…...………………….….G/K/Xigeen

3- Faadumo Warsame Wardheere………………...Xoghayn

4- Sahro Axmad Aadan…......…….……………..X/Abaaulka

5- Deeqo Macallin Axmad    .…...……X/Arrimaha Bulshada

6- Deeqo Farey Calinuur…….………………….….…Xisaabiye

7- Xiddo Kytoon Cawaale……………………..….…..Khasnaji

Habka Maamulka Ururka:-
 
Ururku wuxuu u fulinayaa hawlihiisa si waafaqsan barnaamijyada iyo hab-raaca shaqo ee Ururrada Bulshada ( CBOs), wuxuu yaalanayaa xeernidaamiye ama xeer/hoosaad habeeya shaqadaas., kaas oo ay ku cad yihiin sharcinnimada dhismaha ururka, awoodaha shaqo ee xubnihiisa iyo guddiyadiisa, habka xisaabaadkiisa iyo xiriirkiisa gudaha iyo dibedda intaba.

Baaq

Ururka Horumarinta Haweenka Bandiiradley wuxuu baaq u jeedinayaa dhamaan qaybaha kakla duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dibedda, iyo dhamaan bulshada caalamka, in laga taageero hawlahooda xagga horumarinta arrimaha haweenka iyo bulshada danyarta ah ee degaanka Bandiiradley iyo dhamaan Gobolka. Waxuuna ballanqaadayaa in uu si wanaagsan ula shaqeyn doono cid kasta oo diyaar u ah inay u fidiso gacan bani’aadamnimo gudaha iyo dibedda intaba.

Waad mahadsan tihiin

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ururka 
Hormarita Haweenka Bandiiradley
Marwo  Farxiyo Max’ud Jimcaale
Tel:+252615-169821

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

Galmudug State SOMalia

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com