Gudoomiyaha Baarlamaanka GalMudug Mudane Xasan Maxamuud Hayl oo Safar ugu kicitimay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta, Canada ee Shidaalka laga qodo.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 22ka Luulyo, 2010.
 

Gudoomiyaha oo Booqasho howleed ku joogay magaaladan Toronto, ayaa aad ugu bogay soo dhaweynta heerka sare ah ee uu kala kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto iyadoo kulankii habeenimadii Sabtiga taariikhdu aheyd 17ka July, 2010 ka  uu noqday mid taariikhda meel wanaagsan ka galay kaasoo noqday kulankii ugu xiisaha badnaa ee Taariikhda ka dhacay magaalada Toronto ee Canada.

Kulankaasi oo ahaa mid ku saleysnaa Soomaalinimo iyo Qaran doon ayaa waxaa saldhig u ahaa baadi goobka loogu jiro sidii loo soo celin lahaa qaranimadii Soomaaliyeed, Dhamaan waxgaradkii halkaa ka hadlay oo matalayay jaaliyadaha kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah ugu nuuxnuuxsaday sida ay lama huraanka u tahay soo celinta Sharafkii iyo Qaranimadii Soomaaliyeed.

Gudoomiye Hayl ayaa isaguna khudbad dhaxal gal ah oo aad u qancisay marti sharaftii madasha kulanka joogtay ka jeediyay saldhig na ay u aheyd mowqifka maamul goboleedka GalMudug ee ku aadan Dadka Soomaalida ah ee ka soo bara kacay dagaalada haraadiyay koofurta Soomaaliya, iyadoo Gudoomiyuhu si cad u sheegay iney GalMudug gacan walaaltinimo iyo Islaanimo u fidiso walaalhoda soo bara kacay ayna u taraan wixii karaankooda ah aysanna jirin wax farqi ah ee u dhaxeeya dadka Barakacayaasha iyo kuwa meesha Deggan ayna yihiin dad walaalo ka ah xagga Diinta iyo Somaalinimada.

Mudane Xasan Maxmuud Hayl ayaa lagu wadaa in maalinka Berito oo sabti ah uu kulan balaaran la yeesho Jaaliyadda GalMudug ee Magaalada Edmonton, kulankaas oo la filayo inuu noqdo mid aan ka dhicin kii Toronto hadii Allaha awoodda lihi ka raali noqdo.

wixii warar ah ee ku soo kordha iyo Sawirad Shirka anagaa idiin Soo tabin doona hadii Alle idmo  hadba sida ay nagu soo gaaraan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka GalMudug ayaa dib ugu soo laaban doona magaalada Toronto, halkaas uu ka sii wadan doono safarkiisa inta uga harsan.

Cabdirisaaq Cadde Siyaad
MudugNet Editor
Toronto, Canada.