

Arday
Ka qalinjabisay Dugsiga Sare SYL
Gaalkacyo oo la Gudoonsiiyay
Shaadooyinkooda &Arday Heshay
Deeq Waxbarsho Dibadda ah.
Daawo Sawirada
MudugNet, Muqdisho, Jimce, 23ka Luulyo, 2010.
Munaasabad
Aaad u balaaran oo ay kasoo qayb
Galeen Boqolaal Dadweyne Iskugu
Jira Culimoudiin, Mas’uliyinta
Galmudug, Ganacsato,
Dhaqaatiir, Macalimiin,
Waalidiin, Arday, Iyo Qaybaha
Bulshada ee Galmudug ayaa lagu
qabtay Holka Hotelka Embassy
Magaalada Galkacyo ee Xarunta
Galmudug State

Munaasabadda
oo iskugu jirtay Gudoonsiinta
Shaadada Ardayda dhamaysatay
Dufcadda 3aad Dusgiga Sare SYL,
Furitaanka Sanad Dugsiyeedka SYL,
iyo Soo Bandhigidda Arday Heshay
Deeq Waxbarasho Dibadda ah
Waxaana Munaasabadda Qudbado ka
jeediyay Maamulka iyo
Macalimiinta Dugsiga Sare SYL
Madaxda Galmudug Ganacsadata iyo
Ardayda Dugsiga Sare dhamaysatay
oo Soo bandhigay Riwaayado ay
uriyaaqeen ka soo qayb Galyaasha
Xafladda Qalin Jabinta ka so
qayb Gashay

Madaxa
Jamciyadda Waxbarashada
AL.Ixsaan Sheekh Muxiyadiin
Shekh Yuusuf Barre oo Qudbad ka
jeediyay Munaasabadda waxa uu
Hanbalyo udiray Ardayda
dhamaysatay waxbarasahda Dugsiga
Sare Waxa uuna soo bandhigay
ilaa tiro Arday Gaaraysa 26 oo
Heshay Waxbarsahda Jaamacad
dibadda ah oo uu Sheekha Sheegay
in 4Arday Waxbarasho ka heleen
Jaamacad ku taal Liibaya Halka
22 Arday ay heleen Jaamacad
Dalka Yaman ah

Sheekh
Muxiyadiin oo qayb weyn ka
qaatay Horumarinta waxbarashada
Deegaanada Galmudug isla
markaana ahaaa Aaas-Aasihii
Dugsiga Hoose Dhexe Al.Bader iyo
Dugsiga Sare SYL ayaa
Ganacsatada Galmudug iyo
Maamulkaba ugu baaqay inay Gacan
ka gaysataan sidii Kor loogu
qaadi lahaa waxbarashsda
Deegaanada Galmudug State Sidoo
kale Ardayda qalin Jabisay waxa
uu kula dar daarmay inay ilaal
sadaan Shahaadooyinkooda siina
wataan Waxbarasahda ilaa Heer
Jaamacadeed

Ugu
danabaytii Wasiirka Waxbarashada
Galmudug Burhaan Warsame Cigaal
iyo Mas’uliyiin Kale waxay
Shahaadooyin Gudoonsiiyeen ilaa
55Arday oo ka qalin Jabisay
Dufcadda 3aad Dugsiga Sare SYL
Galkacyo Galmudug State
Cabdalla
Max’d C/lle
Mudugnet Galkacyo
Galmudug State SOMalia
+25290-752260
Cabdalla45@hotmail.com
Halkan hoose ka daawo sawirada
oo dhan