Saraakiisha Galmudug oo iska Fogeeyay Edayn uga timid Maamulka Puntland oo ah in dadkii waqooyiga dilka ka Gaystay Galeen dhanka Galmudug State.


MudugNet, Muqdisho, Axad, 18ka Luulyo, 2010.
 

Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Mudug ee Galmudug Col. Max’d Nuur Cali Gadaar ayaa Gaashaanka udaruuray Hadal Maanta ka soo yeeray Dhigiisa Police-ka Waqooyoga Puntland Muuse Xasaasi kaasi oo sheegay in kooxihii dilka ugaystay Ragii Ganacsatada ahaa ee shalay lagu dilay waqooyiga Magaalada Galkacyo xili ay wateen Gaari isla markana ay baxasdeen kooxihii dilka Gaystay

 

Muuse xasaasi oo maanta saxaafada la hdalay ayaa sheegay in baaritaano ay sameeyeen ku ogaadeen sida uu yiri in kooxihii dilka gaystay ay galeen xaafaddo ka mid ah Galmudug waxa uuna ka Codsaday Saraakiisha Galmudug ina ay Gacanta ku soo dhigaan kuwa dilka Gaystay oo uu muuse xasaasi ku sheegay labo ruux oo hubaysnaa

 

Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Mudug ee Galmudug Col.Max’d Nuur Cali Gadaar ayaa jawaab culus Caawa ka bixiyay waxa uuna sheegay in hadalka Puntland ka soo yeeray uusan waxba kala socon cid wax dishay oo soo gashay dhanka Galmudug  “Aniga waxaan Ahay Taliye Guud mana ihi mid saldhig eedaynta walaaleheen ka yimid ee ah cidii wax dishay ayaa xagiina gasahay waxaan filayaa in ay tahay eedayn iska dacaayd ah” ayuu yiri Col. Max’d Nuur Cali Gadaar oo Caawa uwarmayay Mudugnet.com.

 

Cabdalla Max’d C/lle

Mudugnet Galkacyo

 

Waa Ba'ood Dariskaya iney eedeeyaan GalMudug hadii aano qabiil oo dhexdooda ay tobanaan isakaga laayaan, waase Nahad Ilaaheey oo xaq baa Feera ka dilaacay Soomaali waa baratay been ku tira badnid baraka laawayaasha beenta Badan.

 

Laashin Abtidoon Baahalow